dhaymoolenews.com
Daawo Guddi Ka Kooban Wasiirka Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Warfaafinta Ee Loo Xil saaray HOR-TAGGA XANUUNKA CORONA VIRUS
March 18, 2020 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Guddida heer qaran ee uu dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay u diyaar-garawga iyo ka hortagga xanuunka CORONAVIRUS, ayaa maanta soo saaray go’aamo muhiim u ah badqabka iyo fayo-dhawrka bulshada Somaliland oo ay waajib tahay fulintoodu.

Dhammaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay sida Cusbitaalada iyo Shaybaadhada iyo shaqaalaha ka hawlgalaba waxa adeegsan doona Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka markay u baahato.

Waxa reebban in dalka laga saaro dhammaan agabka caafimaadka iyo daawooyinka.

Dhammaan muwaadiniinta leh xirfad caafimaad ee aan ka tirsanayn shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa lagu wargalinaya in ay si mutadacwacnimo ah iskaga diiwaan galiyaan maamulka caafimaadka ee gobolka iyo degmada ee ugu dhaw.

https://www.youtube.com/channel/UC08L_ktALOqYNFfOY9VaBrA

COMMENTS
Latest News