dhaymoolenews.com
Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1939kii – 2016ka)
January 13, 2016 - Written by wariye999

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal,

(1939kii – 2016ka)

 

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormada: 1aad

 

Hargeysa, 14/1/2016ka,

 

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed, beryahanba waa uu xanuunsanayay oo wuxu jiifay Cisbitaal ku yaal Imaaraadka. Aad ayaa looga soo dardaar-werin jiray caafimaadkiisa. Hadba waxaad ku hanbabaraysay wefdi xukuumadeed oo dalxiis ku jooga Imaaraadka oo soo booqanaya Mujaahid Abwaan Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Sidaas ayay xaaladdiisa caafimaad iskaga liidatay beryahan danbeba.

 

Siddeetanaadkii Cali Sugulle Cigaal, wuxu ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee af iyo addinba ku dagaallamay. Wuxu ka mid ahaa kooxdii fanka ee SNM ee deggenayd Kaam-abokor. Markii dalka la xoreeyay muddo yar ka dib ayuu deggenaansho ka helay mid ka mid ah Imaradka Abu-dabi oo aan filayo in ay tahay Shaariqa. Halkaas ayuu deggenaa sannadihii ugu danbeeyay noloshisa, ka dibna ku xanuunsaday.

 

Markii ay taariikhdu ku beegnayd 11/1/2016ka, mar ay saacaddu ahayd ku-sinnaan ilaa 3.00 galabnimo ama gelinkii danbe ayuu ku geeriyooday Imaaraadka. Muddo ku sinnayd 15 daqiiqadood ka dib aniga oo gurigayga ku sugan ayay dhowr jeer dad i soo garaaceen. Waxaan ka sii xusuustaa Mahad iyo Tiyo oo ii sheegay geerida naxdinta leh ee Cali Sugulle Cigaal. Waxa kale oo iyaguna goor danbe ila soo hadlay Wacays iyo wiil magaciisa Muxyaddiin iigu sheegay oo iyaguna ii xaqiijiyay geerida Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Tilifoonnadu sidaas ayay iskaga soo daba-dhacayeen ilaa habeennimadii.

 

Ku-sinnaan 7.04 saacadood ee fiidnimo waxa Dubai igala soo hadlay Axmed Naaji sacad, wax yar ka-dibna waxaanu wada-hadallay Colaad oo ii xaqiijiyay in ay soo qaadi doonaan meydka Cali Sugulle Cigaal maalinta Khamiista, subaxnimada hore.

 

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed qof keliya ma ahayn. Wuu ka badnaa. Weliba waxa intaa u dheeraa in uu ahaa bad-faneed oo aan laga dabbaalan karayn. Waxa kaaga daran wuxuu ka tegay ama beeray oo fan iyo fannaanba leh. Waxaan soo xusuustay tuducyo ka mid ahaa Baroor-diiqdii Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis) ka tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi-qarshe, tuducaas oo ahaa:

 

“Hadda qof iyo dhowr iyo,

Qoys iyo kamuu tegin,

Qolo waxaad tidhaahdo e’

Annagoo quruunuu,

Qormadu fadhiyi jiray,

Qarshe nagu banneeyee,”

 

Qormadaa qormadeedii ayuu Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed ku banneeyay dunida fanka Soomaaliyeed guud ahaan.

 

Sidii uu ii sheegay 1998kii dhammaadkiisii mar aan Dubai ku wareystay, Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed” wuxu ku dhashay magaalada Oodweyne 1939kii. Hooyadii waxay ahayd Dhool Xasan Xirsi. Wuxu ku barbaaray magaalada Berbera oo uu ka galay malcaamad Quraan. Markii uu dhammaystay Dugsiga Hoose, wuxu Dugsiga Dhexe ka galay Sheekh 1949kii. Sannadku markii uu ahaa 1951kii ayaa laga eryay Dugsiga Dhexe ee Sheekh isaga oo lagu eedeeyay muddaaharaad uu abaabulay oo la xidhiidhay ciyaar kubbadeed. Saaxiibbadii la galay abaabulkaa oo kaga baxay waa kii ku lahaa:

 

“Saaxiibbadayoow intay sababteen,

 

Sanduuqiina mayla qaadi weydeen”,

 

Tuducaas ayaa badiba loo yaqaannaa in uu ahaa wixii ugu horreeyay ee uu tiriyay. Laga soo bilaabo maalintas ilaa maanta oo uu geeriyoonayo Cali Sugulle Cigaal wuxu ku hawlanaa fanka iyo falkintiisa isaga oo geedaha ugu doorka roon meydhax iyo mullaaxdeedba uga diiri jiray.

 

Marka aynu fanka iyo dhudihiisa ka hadlaynno, Cali Sugulle Cigaal wuxu ka mid dadka aadka u tirada yar ee Ilaahay mowhibada u siiyay in uu hor yaal ku noqdo dhowr dhudood oo sida qof keli ahi u kulmiyaa adag tahay.

 

Dhowr iyo konton ayuu bilaabay in uu ka hawl-galo Waaxdii ama ‘Department-kii’ Xannaanada xoolaha. Muddo badan ayuu ka ka hawl-gelayay degmooyin badan oo Somaliland ka mid ahaa, halkaana waayo-aragnimo hodan ah ka korodhsaday. 1957kii wuxu galay Dugsigii Tababarka Xirfadaha ee Sheekh (VTC), halkaas oo uu ku jiray ilaa 1959kii xilligaas oo loo beddelay Boorame.

 

Wuu ka digo-rogtay oo 1960kii wuxu noqdya Karraani isaga oo ka hawl-geli jiray xafiiskyadii maamulka ee dawladdii Ingiriiska ee dalka gumeysan jirtay. Wuxu ka shaqayn jiray oo uu karraani ka ahaan jiray Xafiiskii Hawlaha Guud ee loo yaqaannay ‘PWD-da’. Intaa ka dib ama xilliyadii danbe wuxu u wareegay Xafiiska Shaqaalaha oo loo yaqaannay ‘Establishment-ka’.

 

Wuxu iiga sheekeeyay mar uu Addis-ababa dawada xoolaha kaga soo raray laba baqalood uu la soo lugeeyay. Wuxu sheekadaa ii marinayaa 1993kii, malmihii lagu jiray Shirweynihii Boorame. Wuxu sheekada iigu daray in ay Boorame ka mid ahayd magaalooyinka ama degmooyinka uu ka hawl-galay. Hawshan xannaanada xoolaha oo uu waxoogaa ka shaqaynayay waxay u suuro-gelisay in uu barto dad badan iyo deegaammo badan oo markii danbe wax weyn ku kordhiyay awooddiisii curineed ee faneed oo dhudo badan u qaybsamaysay.

 

Waxba wax la raajaa rag kuma sama e’, Cali Sugulle Cigaal wuxu horyaal sida loola tartamaa adag tahay ku ahaa: curinta maansada, curinta iyo soo-saarista riwaayadaha, curinta heesaha, curinta alxaanta isaga oo lahaa kuwa ugu macaan ee ilaa maantadaa loogu jecel yahay. Wuxu si la yaab leh u yaqaannay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo saldhig iyo hal-beegba u ahaa alxaantiisa ma-guuraanka ah, taas oo dhadhan gaar ah u yeeli jirtay alxaanta uu sameeyo baadi-sooc gaar ahna u ahayd.

 

(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)

 

 

COMMENTS
Latest News