dhaymoolenews.com
COL. MUUSE BIIXI OO BURCO KU GALAY TUBTII ‘BABRAK KARMAAL “‏
January 14, 2016 - Written by wariye999

 COL. MUUSE BIIXI  OO BURCO KU GALAY  TUBTII  ‘BABRAK KARMAAL “

27th Dec, 1979 dawladda  “ Ruushku”   waxay  xoog ku qabsatay  dalka “Afganistan”.Markii ay ciidmadda Ruushku soo galeen caasimadda “KABUL”, waxa dabaabaddi  ugu horaysay “Tank “ shidhka u saarna nin lo odhan jiray “ Babrak Karmaal”, oo laga soo qaaday “Moscow. “ Waxa loo magacaabay inuu noqdo Madaxwaynaha “ Afqanistan “.  Laga bilaabo maalintii Ruusku magacaabay “Babrak Karmaal”  waxa Afqanistan ka holcay  dagaal sokeeye oo daba dheeraaday. Muddo dheer ka dib, waa laga xoreeyay  xukunkii  Ruuska &  Babrak Karmaal ,waxaanu dalkaasi  u gacan galay   kooxo mayal adag oo ku salaysan qabii’l iyo caqiidad.

Colonel Muuse  Biixi  wuu  karayaay  inuu Burco ku soo galo asagoo lugaynaaya ,laakinse wuxuu  door-biday inuu soo raaco “Dabaabad”. Waxa hareer socday  cutubyo ka tirsan ciidmada qaranka, booliska, aslubta, ambalances iyo shabegleyaashii maxaabiista. Waxa hubaal ah,inay amarka bixiyeen Generalada  ciidamada kala duwan & wasiirka daakhiligu. Hadaba, Waxa halkaas ka sii muuqata,  inaanay  Somaliland ka dhici doonin  doorasho xor ah oo xalaal  ahi, qorshahuna yahay  in Colonel Muuse Biixi dabaabad laga soo saaro Hargeisa. Waa suurta gal inuu qorhsahaasi hirgalo, laakinse Somaliland waxay ku danbayn doontaa tubtii Karmaal  &  Afqaanistan . Madaxwayne Siilaanyo  Dalkii & dadkii lagu wareejiyay  asaguna si nabadgelyo ah ha u wareejiyo.

Drs Hoodo Yusuf, Uk,London.

yhoodo@yahoo.com.

 

 

 

COMMENTS
Latest News