dhaymoolenews.com
(C/kariin Guuleed aniga ayaa dhiggiisa ah Somaliland waa tashatay idiinma soo socoto)
January 17, 2016 - Written by wariye999

Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo Jawaab Adag Siiyey Galmudug, Soomaaliya

 

Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle  Cismaan Ciise Maxamed oo uu wehelinayay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolkaasi Captain Cabdiraxmaan Xaaji khaliif (Bilaale) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Caasimada Somalialnd oo ay socdaal hawleed ku joogaan waxa uu jawaab adag siiyey Gudoomiyaha Gobolka Galmudug ee Dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya oo maalintii Jimcaha xadgudub ku sameeyey Qaranimada Somaliland markii uu sheegay in Somaliland tahay Gobol ka maqan Somaiya, loona baahan yahay in shirarka loogu yeedho.

Gudoomiyaha Buuhoodle  ayaa qaybta hore ee shir jaraa’idkiisa waxa uu ku yidhi sidan: ‘Aniga oo ah Badhasaabka Gobolka Buuhoodle Cismaan Ciise Maxamed waxaan halkan jawaab uga dirayaa badhasaabka gobolka Gal-Mudug  ee Dalkaasi somaliya oo soo farogeliyey  arimaha Somaliland, markaa aniga oo ah dhiggisa ahna Gudoomiyaha gobolka buuhoodle waxaan C/Kariin guuleed iyo inta Kismaanyo kula shiraysaba u sheegaynaa  hadaad tidhi Somaliland waa Gobol ka maqan somaliya ee shirarka ha loogu yeedho, been baad u sheegtay inta kula shiraysa iyo inta warbaahinta kaa dhegaysatayba, Somaliland idiinku iman mayso shirkiina Kismaanyo, hore ugama qayb gelin shir Soomaaliya gaar u leedahay, hadana ka qaybgeli mayso ‘

Gudoomiye Cismaan Ciise waxa kale oo xasuusiyey siyaasiyiinta Somaliya qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ee ay go’aansatay waxana uu yidhi: ‘Somaliland waa ummad isku tashatay sanadkii 1991-kii la soo noqotay madaxbanaanideedii, waa qaddiyad la isku raacsan yahay, dalkeeda iyo dadkeeduna waa mid, idinkana hadaad Soomaaliya tihiin in idin gubtaa waa idin hoos taallaa ee mushkiladihiina xalliya, waa idinka Sunna-Wal-jamaaca khaatiyaanka ka taagane, adiguna badhasaab ayaad ka tahay Gobol ka mid ah somaliya oo aad xukuntaa, Madaxweynaha aad sheeganayso adigaa isu cimaamadaye annagu kuuma aqoonsanin, waxaan kuu aragnaa nin badhasaab ah oo aniga dhigayga ah, jamhuuriyadda Somaliland ee aad ku dherarsanaysaana 1991-kii ayay madaxbanaani gaadhay oo nabadeeda ka shaqaysay oo Dimuqraadiyad iyo maamul wanaag hirgelisay waana go’aan shacab oo aan ka noqod lahayn’

Intii uu ku jiray hadalkiisa Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle waxa uu talo u diray dhinacyada siyaasadeed ee Dalkaasi somaliya waxana uu uga digay farogelinta cadaawadu ku dheehan tahay ee ay ku hayaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxana hadaladii Gudoomiyaha ka mid ahaa sidan: ‘Waxaanu idin leenahay farogelinta naga daaya, dadka aad u soo dirsanaysaan waxyeelaynta nabada Somaliland naga daaya, joojiya ayaan idin leenahay xaasidnimada iyo xintanka aad ka dhex wadaan dadka reer Somaliland ee isku tashaday, idinka oo doonaya inaad curyaamisaan nabadgelyada aanu ku soo caano maalnay’

Gebagebadii Md cismaan Ciise Maxamed waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay in Somaliland taladeedu meel tahay shir soomaaliya gaar u leedahayna aanay marna ku dhex milmaynin.

 

COMMENTS
Latest News