dhaymoolenews.com
Ciidamada Qaanka Somaliland Oo La Wareegay Xarun Cali Khaliif Ka Samaystay Tuulada Balli-cad
January 14, 2016 - Written by wariye999

Balicad (Dhaymoole) Ciidamada Qaranka Somaliland,  ayaa fadhiisimo cusub ka samaystay deegaanka Balli-cad oo u dhow duleedka Saaxdheer, taas oo xarun ku meel gaadh ah uu ka samaystay Cali Khaliif Galaydh.

downloado

Ciidamada Qaranka somaliland ayaa siddoo kale isku fidiyay duleedka Degaanka Ball-icad oo uu hadda ku sugan yahay Hogaamiyaha Khaatumo Prof . Cali Khaliif Calaydh , Wararka warbaahintu ka helayso deegaankaasi ayaa sheegaya in Prof:  Cali Khaliif iskaga baxay tuuladda Balli-cad oo uu ku sugnaa kadib markii uu ka war helay inay kusoo fool leeyihiin ciidamada somaliland oo kasoo kicitimaya koonfurta gobolka sool.

 

Ilaa hadda ma jiro iska horimaad dhexmaray Ciidamadda Qaranka iyo dhinaca ee uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh,  waxaanna ilaa hadda Ciidamadda Somaliland si nabad ah ula  wareegeen deegaanka Balli-cad.

 

 

Dhaymoole news. Hargeysa

COMMENTS
Latest News