dhaymoolenews.com
 Ceerigaabo: Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Cabdiraxmaan Ilsar
January 14, 2016 - Written by wariye999

 

Ceerigaabo (Dhaymoole) Wariye Cabdiraxmaan Axmed Ilsar oo kamisa shaqaala Tvga Caalamiga ah Star Tv iyo Waliba Shabakada HadhwanaagNews ayaa ay goor Dhawayd Ciidanka Amaanka Ceeriga xabsiga U Taxabee.

 

wariye-cabdiraxmaan

Waxaana Xadhiga Saxafigan  ka Danbeeyey Sida uu Xaqiijiyay Wariyuhu Isuduwaha Wasaarada Deegaanka Gobolka Sanaag Kaas oo Dhibsaday War uu ka Baahiyay Dhawaan wariyuhu Xaalufinta Baahsan ee Lagu Hayo Dhirta QOyan Iyadona laga Shidayo Dhuxul Isla markaana uu waxba ka Qaban kari waayen Masuuliyiinta Gobolka Kuwa Degmada Iyo waliba Masuuliyiinta Loo Igmaday Wasaarada Deegaaanka.

 

Si kastaba ha ahaatee Xadhiga wariye cabdiraxmaan Axmed Ilsar Loo gaystay Ayaa kamid Noqonaya tacadiyaadka Cabudhinta Iyo Xadhiga isdaba Jooga ah ee Loo gaysto wariyayaasha ka hawl gala Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland  Isla markaana ay Caado Joogta ah ka Dhigatay Xukuumada Uu gaadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

Dhaymoole news. Hargeysa

COMMENTS
Latest News