dhaymoolenews.com
Cali Xoor Xoor Iyo Dekada Berbera Waa Astaanta Qaranka Somaliland. W/Q: Mustafe Cabdi
January 17, 2016 - Written by wariye999

Maareeyaha Dekada Berera Cali Xoor-xoor oo ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn loogu kalsoonida badan yahay dhanka maamulka iyo isku dubaridka hawl maalmeedka iyo kor u qaadka dhaqaalaha dalka ee laga soo saaro dakhliga ugu bada ee hawlaha qaranka lagu maamulo.

 

Xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Eng Cali Xoor-xoor wuxuu u noqday tusaale lagu soo hirto dhanka dadaalka iyo kor u qaadka ilaha dhaqaale ee dalka, gaar ahaana meesha uu ku suntahay ee Dekada Berbera, waxaan leeyahay Mudane Cali Xoor Xoor dadaalka aad muujisay waa la wada ogyahay, qaranka Somaliland-na abaal weyn ayey kaaga hayaan.

 

Somaliland qof ka cimri dheer dhanka maamulka dekada Berbera ma jirto, taasi waxay muujinsayaa lexo jeclada uu ka leeyahay umadiisa iyo dalkiisa. Intaa aan ka aqaano maaha qof wixii uu rabo la gabada, waana shaqsi go’aan adag leh. Kuwa nashuushada ka wada magaalada Berbera waxaan odhan lahaa haku daalina, xumaantu fool xumo mooyeen waanaag ma leh.

Ganacsatada dalku waxay noqdeen maroodigii arkay waayey takarta saaran, umadii ayey cunaha qabteen markaasay maanta ka cabaadayaan shilling la sheegay in lagu kordhiyey tacriifadii ganacsiga, marka horeba shicibka ayey saari jireen wax kasta oo lagu kordhiyo, kuwo naxa maaha, dantooda mooyee wax kale ma yaqaanaan.

Cali Xoor-xoor waxaa saaran waajib ah inuu maamulo wax kasta oo lagu maareynayo habsami u socodka nidaamka dhaqaale ee dekadu ku shaqaynayso, cidna looma daba fadhisanaayo wax kasta oo danta dekadu ku jirto.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Mustafe Cabdi

cmustafe99@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News