dhaymoolenews.com
“Cali Sugulle Shakhsi Ku Weynbu Ahaa Qaranka Somaliland”  Madaxweyne Siilaanyo
January 14, 2016 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo maanta ka qayb galay aasqaran oo magaalada Hargeysa loogu sameeyay ALLE ha u Marxuum Abwaan Cali Suguule Cigaal (Dun-carbeed), waxaanu Madaxweynuhu  ku sifeeyay inuu ahaa shakhsi ku weyn Qaranka Somaliland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ay Abwaan Cali Sugulle saxiib dhawna ay waayihii nolsha soo noqdeen, in kasta oo ay laba hawlood oo kala duwan ku caanbaxeen, kuwaas oo kala ah Sugaanta iyo Siyaasadda.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaaya Aaskii Marxuum Abwaan Cali Sugulle waxaa hadaladiisi kamid ahaa”. Inaa Lillaahi Waa Inaa Illayhi Raajicuun, Alle haw naxariisto Cali Sugulle wuxuu ahaa shakhsi weynbu ahaa, abwaan weynbu ahaa oo Qaranka Somaliland ka baxay, magacyo maamus ku leh ummadda Somaliland meel ay joogtaba, illahay samir iyo imaan haka siiyo eheladii, qarabadii iyo Qaranka Somaliland-ba.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

 

Halkan ka daawo.

Dhaymoole news. Hargeysa

COMMENTS
Latest News