dhaymoolenews.com
Cali Sugulle Dun-carbeed: Dawankii Xornimada
January 14, 2016 - Written by wariye999

Webtii cawke anigoon ka kaban, welina dhiillaysan
Anigoon wadnuhu ii garrayn, wahabna aan goynin
Caawana ma weer baan xidhnahay, Cali intaan waayey
Waddaniga abwaankii ahaa, waracii suugaanta
Ma-waabtihii gumaystaha nec baa, warankii qoomaayey
Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

Markaas uun baa aan iridda ka galay xafiiska Bahda Hal-abuurka iyo Qoraalka ee “Hal-qor” oo ku yaalla agagaarka biriishka koowaad ee magaalada Hargeysa, abbaaro shantii iyo shan iyo toban daqiiqo (05:15 PM) oo galabnimo ayaa ay goor-sheegtu cagacagaynaysaa, idaacadda BBCda oo baxaysa ayaana ay badi dadku dhuganayaan oo dhagaysigeeda ku foogan yihiin. Asxaabta aan goobta ugu soo galay aad ayaa ay u aammusan yihiin oo mid ku kale la hadlayaa kuma jiro, qof kastaa ba warka idaacadda ka baxaya ayaa uu ku maqan yahay oo dhegta u raaricinayaa, wax kale kuma garatide bariidadii ayaa ay awoodi waayeen in ay iga rogtaan oo salaantaydii meel cidlo ah ayaa ay cuskatay. Si jabaq la’aan ah ayaa aan u soo jiitay oo salka ula helay kursi aad mooddo in uu kulaalayo miis agtiisa yaallay, ka dibna dhankayga ayaa aan kaga biiray jawigii xafiiska ka oognaa, misna waxa markii ba dhegtayda ku soo dhacay durbaanka iyo codka isku sargo’an ee heesta “af-qalaad aqoontu miyaa,” waa mid ka mid ah heesaha aan maqalkooda la baaxaadego, taas awgeedna si dhammaystiran ayaa ay islamarkii ba dareenkayga ugu tallaalantay oo aan madaxa ula ruxay. Mar qudha uun baa inankii barnaamijka daadihinayey uu heestii jaray oo ku tiraabay “waxa ay ahayd ereyadii AHN abwaan Cali Sugulle Dun-carbeed oo mar dhawayd ku geeriyooday dalka immaaraadka Carabta!!!” Yaab iyo amakaag ayaa mar kaliya igu hooray oo igu yuurursaday, naftu waa ay ka gows-adaygtay in ay aqbasho warkaas dhiillada leh ee uu weriyaha baasi kaga nixiyey, talo se waxa ay ku soo ururtay beeney waa run oo garwaaqsaday in gaashaankii birta ahaa galbaday.

 

Ku sinnaan 1936kii ayaa uu Cali Sugulle Cigaal oo loo garan-ogaa “Dun-carbeed” ku dhashay magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daad-madheedh, xilligaas oo uu dalka Soomaalilaan ka talinayey guumaystihii Ingiriisku. Waxbarashadiisa waxa uu ka bilaabay magaalada Berbera, isaga oo markii dambana u wareegay dugsiga facaweyn leh ee Sheekh. AHN abwaan Cali Sugulle waxa uu hibada hal-abuurnimada ka dhaxlay aabbihii Sugulle Cigaal, sida oo kale xagga abtiyaashiina waa uu ka wataa, taas aawadeedna waxa uu ahaa abwaan dhan wal ba curinta suugaanta ehel uga ah.

Cali sugulle oo ahaa wiil ku kacaamay, kuna tallaalan yahay dhaqanka iyo dhaxalka soojireenka ah ee ummadiisa ayaa xilligaas uu ku jirey dugsiga Sheekh, waxa isaga iyo ardaydii faciisa ahayd ba lagu amray in ay ciyaaraan kubbadda cagta, Cali oo amarkaas ka biyadiidsan, islamarkaana ku dhaggan dhaqankiisa ayaa ardaydii u soo jeedinaya in ay iska diidaan dheelidda kubbadda cagta, taas baddalkeeda ay ka dhigtaan tumashada ciyaaraha dhaqanka Soomaalida, halka ay ardayda kalana taladaas kala qaateen. Nasiib-darro eh, markii uu Cali Sugulle go’aankii u gudbiyey macalimiintii dugsiga ayaa ay ardaydii kale baqeen oo wacadkii kaga baxeen, taasi oo keentay in Cali Sugulle dugsigii laga caydhiyo, shandaddiisiina dibadda loo dhigo. Maalintaas ayaa inta la ogyahay ay ereyadii ugu horreeyey ka soo burqadeen AHN abwaan Cali Sugulle, isaga oo ka dareen-celinaya arrintaas ku habsatay ayaana uu yidhi:

 

Ninkii sada haysta lalama sugoo
Somalidu waa ka saari jirtee
saaxiibadayow intay sababteen

Sanduuqiinna may la qaadi waydeen?!

 

Hal-abuurnimada iyo fanka Cali Sugulle waxa uu ku soo beegmay oo la hanaqaaday milay ay dabaysha xornimo ee Soomaalidu cirka isku shareertay, islamarkaana uu guumaystihii haystay kala qoqobay oo in ba meel ku ooday;. 1954kii ayaa ay ahayd markii uu guumaystihii ingiriisku bixiyey dhulka Soomaaliyeed ee loo yaqaanno “Hawd Reserved Area,” kuna wareejiyey dalka Etoobbiya, taasina waxa ay keentay in guud ahaan ba Soomaalidu, gaar ahaanna reer Soomaalilaan ay si aad ah uga dhiidhiyaan oo arrintaas iyada ah ka horyimaaddaan. Haddaba, abwaan Cali Sugulle oo falkaas aad uga xumaaday una damqay ayaa 1957kii sameeyey riwaayad la odhan jirey “Ayaa ila gambiya guumaysiga,” taasi oo uu ku kicinayey dadweynaha, kuna dhiirrigelinayey in ay heeryada guumaysiga iska ridaan oo la dagaallamaan. Bal aynu heestii ugu mudnayd riwaaddaas oo wadatay magaca riwaayadda, waa hees heello ah, codka waxa u sameeyey oo tumay AHN aabbihii muusiga Soomaaliyeed ee Cabdillaahi-Qarshe, waxaanay heestu leedahay:
Guunyada lo’du wow garaad daran tay
gaajiyo ma oggola harraad gelin
gawda iyo usha way ka gubataa
hadii aan la gunnayn looma galo
gujada weyshu waa ta gaagixisee
haddii la garaaco godol ma le
Ganbo iyo dumarkaa garayska xidhee
guntiga raggu waa isku geedo hiddee
geyigan tagey gaalku maw hadhay?
Gadan tay oo carradeenii way gedmatee,
Aan gaadhnee ma loo gurmanayaa?
Geelii iyo adhigii gammaankii fardaha,
Gugoo da’ay geedihii hawd

Aan geynee ma loo gurmanayaa
Gaashaan-qaad xaqiisa lama gudbo

Garkiyo wadnahay na kala go’an

Guul-darro weynagaa gacmaha madhan
Garaad innama dheera gaaladu
Gugeennuna waa gudboon yahay
Guuldarro weynagaa gacmaha madhan
Godobtii nin qirtay oo ku gowracay
Gashigii diiddan aan wax kaaga gudbeyn

Gadaan-gadayaa gar-daranaa!
Ayaa guullaheen gargaaraa
ayaa garanaaya gobannimadoo
ayey la genbiya gumeystaha?!

 

La soco qaybaha dambe

Qalinka: Khadar Xuseen Daahir “Hayl”

Khadarxd@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News