dhaymoolenews.com
Burco: Guddoomiye Cirro Guryahooda ku Booqday Caaqil iyo Mujaahid Caan ka ah Gobalka Togdheer
January 26, 2016 - Written by wariye999

Burco(dhaymoole)Guddoomiyaha gollaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro ” ayaa maanta guryahooga bookhasha kala duwan ugu tegay Caaqil Xuseen Cabdi Ciise Oo ah Caaqilka Ugu Da’da Wayne Cuqaasha Gobalka Togdheer iyo Mujaahid Muuse Maxamed ismaciil Oo ku Magac Dheer (Muuse-Faqash) Oo ka Mid ahaa Sarakishii Ururkii SNM,kaas oo dhowrkii Sano ee u Danbeeyayba Xanuun u Jiifay guriga uu ka Degan yahay Magaaladda Burco

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaradka Waddani C/raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Oo ay Weheliyaan Madaxda Xisbiga Mucaradka Waddani Ee Gobalka Togdheer, waxay bookhasho ugu tegeen  Caaqil Xuseen Iyo Mujaahhid Muuse Maxamed Ismaaciil,kuwaas  oo sanadihii ugu dambeeyey guryahooga ay ka kala degan yihiin magaalada burco la kala jiifay xanuun kala duwan oo asiibay,

 

 

Ugu dambayntii Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa ilahay uga Baryay Caaqilka iyo Mujaahidkaba inuu Cafimad Sarecan alle Siiyo oo uu ka kala dul-qaado xanuunad haleelay.

 

COMMENTS
Latest News