dhaymoolenews.com
Boobka ka dhacay suuqyada sarrifka iyo Fashilinta ololihii soo-noolaynta Shilinkeena waxaa masuuliyadeeda yeelanaysa Wasaaradda Maaliyadda” “Talada Madaxtooyada ee lagu diirsaday iyo Ficilada Wasaaradda Maaliyaddu ku hantaaqinaysaa waa laba isburinaya”
January 26, 2016 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Waxaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey dalku galay jahowareer dhinaca sarrifka lacagaha ah.  Waxaa baxaadeg farsamaysan lagu khalkhaliyey suuqii sarrifka.  Bal suuqa soo booqo, waxaad markaba ogaanaysaa sida ganacsatadeenii filimka loogu dhigayo. Waxaa la abuuray kala shaki iyo walaac joogto ah oo aan anigu qabo inaanu qorshe-xumo.  Suuragal ma aha inaynu waxan dhacaya isaga aragno shil. Waa arrin lagu naafeeyey dadaalkii Madaxtooyada ee uu hormoodka ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka dalku.  Waxaa lagu tallabsaday in bilawgiiba la kharbudo ololaha Xukuumadda ee Shilinkeena lagu badbaadinayo. Waxaa dadweynaha loogu fasirayey in la wado barnaamij lagu daweynayo sarrif-bararkii taagnaa. balse barnaamijkan ay horgalka u ahayd Wasaaradda Maaliyaddu wuxuu ku dambeeyey in dadka qaar lagu boobo hannaan xirfadaysan.  Baaxaadegga sarrifka ee ilaa 1,500 shilin mar qudha isbeddeley [8,000 ilaa 6,500 Shs] haddana dib loo kiciyey waa jariimad ganacsi oo ay tahay in masuuliyadeeda lagula xisaabtamo Wasaaradda Maaliyadda.  Kuma riyoonin.  Waa xaqiiqo jirta, waanna idiin fasirayaa asbaabaha aan u cuskanayo.

Tallaabada Madaxweyne M. A. Siilaanyo ee Sarrif Bararka ka jira dalku waa tilmaantii looga baahnaa Xafiiska Madaxweynuhu inuu qabto.  Inuu magacaabay Guddi u gaar ah mashaakilka Shilinkeena oo weliba ku soo ururiyo hay’adihii dhaqaalaha dalku waa mid ku diirsi leh.  Sidoo kale, inuu Madaxweynuhu isugu yeedhay dhammaan madaxdii hay’adaha dalku kuna tirtirsiiyo in loo tafoxayto muunaynta Shilinkeenu waa tallaabo labaad oo muujinaysa in Xafiiska Madaxweynuhu hogaan-qaaday ololaha soo-noolaynta qiimihii Shilinka, isla markaana buuxiyey kaalintii kaga aadanayd alooska qorshaha u-gargaaridda lacagteena.  Madaxweynuhu siidhigii hawlqabashada wuu kaga yeedhiyey, abbaartii looga baahnaana wuu dhiibtey, laakiin su’aasha taagani waxay tahay ‘hay’adda ugu weyn qarankeena ee masuuliyadeedu tahay maaliyaddu ma u diyaar tahay inay qaadato waajibaadka ka saaran hawshan?!!’….Dad badan, oo weliba ah inta aqoonta u leh arrimaha maaliyadda iyo lacagta ah ayaa qaba jawaabta su’aashaasi waa “MAYA!!”.  Waxaa xaqiiqo ah inaanay Wasaaradda Maaliyaddu hadda u diyaarsanayn [ama ka go’nayn!!] inay la jaanqaado hawlgalkaa Madaxweynuhu ka dhawaajiyey ee Shilinka lagu badbaadinayo.  Tusaalayaal kooban oo qofkii hoos u eegaa markiiba fahmayo inaan ololaha Madaxweynaha iyo Wasaaradda Maaliyaddu wada shaqaynayn aan ku siiyo.  Bal saddex arrin oo mucjiso ah oo midba mid ka sii daranyahay ila dhugo:

  1. Iyadoo Sicir barar laga qaylinayo ayaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisey Cashuur bararin aan xad lahayn!Xaggee ayay iska qaban la’dahay. Shicibkii oo la ciirciiraya qiimihii hore ma macquulbaa in kor loogu sii qaado qiimaha badeecadaha iyo adeegga. Tu kaloo ka daran baa jirta!
  2. Ta ka sii darani waxay tahay, Wasaaradda Maaliyaddu sannadkan waxay bixinaysaa kharash dhan 1,218 Bilyan [ hadda maaha Milyano waa hal tirilyan iyo laba boqol ito sided iyo toban bilyan] oo Shilin Somaliland. Taas macneheedu waxa weeye, bil kasta waxaa celcelis ahaan la bixinayaa oo suuqa soo gelaya kharash dhan 100 Bilyan [ama 100 kun oo Milyan] oo Shilin.  Haddii ay suuqa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo afuufayso mawjado Shilin Somaliland ah suuragal ma tahay in Sarrif Bararka dawo loo helo?  Sidee ayay isula jaanqaadayaan dadaalka Madaxweynaha iyo doc-faruurka W. Maaliyaddu. Tu kaloo ka daran baa jirta!
  3. Tan kalee ka sii darani waxay tahay, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu qorshaysatay [markaad Miisaaniyadda eegto]  inay bil kasta kumanyaal malyuun oo shilin Somaliland ah suuqa soo geliso ayay ku sii darsatay inay xaraysato, oo Baankii Dhexe ee xaqa u lahaa ka maroojisato, lacagtii doolarka ahayd ee lagu bakhtiin lahaa dabkaas Sarrif-bararka ah ee ay siyaasad xumaanteedu sababtay. Suuqii shilin Somaliland aan xad lahayn ayay amraysaa [bil walba] in lagu afuufo, doolarkii baacsan lahaa ee Baanka Dhexe ku miisaami lahaana kiishad gaar ah bay gashatay. Eysh qiyaasak!!

Sharaxaad iigama baahna.  Qodobada aan kor ku xusay waa kuwa sababay in suuqu manta wareero, sarrifkana la isku boobo. Shaki weyn ayaa laga qabaa waxa uu yahay qorshaha Wasaaradda Maaliyaddu…Talada Madaxtooyada ee lagu diirsaday iyo Ficilada Maaliyaddu ee hantaaqinayaa waa laba is barbar yaal oo is burinaya.  Waxay dadka maamulka iyo siyaasadda dhegadhegeeyaa is weydiiyaan haddii Wasaaraddu sidan sii ahaato dhaqaalaha iyo lacagtu xaggee ku dambaynayaan?! Xisbigii Kulmiye sidaas doorasho ma ku geli karayaa? Ma qorshe lagu naafaynayo sumcadda Xisbiga oo xukuumadda dhexdeeda ah ayaa aloosan?!! Wasaaraddii Maaliyaddu dabkanay ku sii shidayso suuqu muxuu daarran yahay?!!…..Waxaa xusuustayda soo gala tix Abwaan  Gaariye [AHN] lahaa oo ahayd:

“Nin dawee la leeyahay

Dembi uu badh leeyahay

Xalka doon la leeyahay

Isaguu u daranyoo

Inuu daaro ma oggola

Daaraanta miridhka leh”

Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo xil gudasho la’aanta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan koboca dhaqaalaha dalka iyo xasiloonida Shilinkeena. Waxaa soo ifbaxaya calaamado cabsi leh oo muujinaya raadka taban [xun] ee ka dhashay is dhexyaaca iyo jaho wareerka ku habsaday hawlqabadkii Wasaaradda. Xagal-daacan ku yimid Wasaaradda Maaliyaddu waa mid taaban doona dhammaan waaxyaha kale ee xukuumadda, nolosha shacabka iyo horumarka guud ahaan ee qarankeena. Wuxuu si toos ah u nabrayaa xusuustii wanaagsanayd ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii macasalaamayn lahaa kursiga Madaxtooyada ee uu sida sharafta leh ugu hibeeyey inay ku tartamaan, ugana kaco, dhalinta dambe ee hamuunta u qabta. Sannadka ugu dambeeya ee xukuumad kasta waa sannadka ay reebto wixii lagaga sheekaysan lahaa. Iyadoo laga wada dheregsanyahay dhaqdhaqaaqa aan la qarin karayn ee horumarineed ee Madaxweyne Siilaanyo dalka ka abuuray, waxaa dibindaabyo ah in sannadkiisii ugu dambeeyey “si xirfadaysan” loo tafaafulo habsami u socodkii Maaliyadda Dalka.  Waxaad ogtihiin dalka inay maaliyaddu ugu jirto halka wadnuhu ugu jiro noolaha. Wadnuhu wuxuu jidhka noolaha ku wareejiyaa dhiigga lama huraanka u ah qaybinta hawada iyo dheefta, sidaasi si le’egna Wasaaradda Maaliyaddu waxay qaranka u qaabilsantahay wareejinta iyo habaynta dhaqaalaha aan looga maarmayn adeegyada xukuumadda iyo bulshada. Xukuumaddii Wasaaradeeda Maaliyadda cillad-maamul aafayso waxay ula mid tahay noole wadnihiisii xanuun fadhataystay. Xukuumaddaasi way maamul xumaysataa, oo dalkeeda manfaco gabtaa, dabeedna taariikhda ku magac dilantaa.  Xanuun kasta astaamo lagu garto ayuu leeyahay.  Astaanta lagu garto Wasaarad Maaliyadeed oo fadhiid noqotayna waa Sicir Bararka, muranka soo dhexgala iyada bulshada, hawsheedii oo dayacanta oo guddi loo saaro, iwm.

Way inoo caddahay dhammanteen in Wasaaraddii Maaliyaddu ka baydhay waddadii Madaxweynuhu u maryey daaweynta Sarrif-Bararka, waxayse su’aashu tahay ilaa goorma ayaynu sidan sii ahaan karaynaa?! La Soco Qormada dambe.

 

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siradle]

COMMENTS
Latest News