dhaymoolenews.com
BELED AAN KHAYR LAHAYN BANGI LAGAMA FURO. “ MECCA” WAA LAGA FURAY “HARGAYSANA” WAXA DIIDAN DHIIG-MEERATO & SUUFIYO.‏
January 16, 2016 - Written by wariye999

Waxaan  ixtiraamaya Culimada waawayn ee wanaaga jecel, laakinse waxa jiraa suufiyo muddo  dheer hortaagnaa  tacliinta, xuquuqda muwaadinka iyo horumarka bulshada Somaliland.. Haddii aaynu sooyaalka tariikheed   dib u eegno, waxaynu  xasuusan  karnaa dhawr dhacdo:

1 ) TACLINTA :  Gumaystahii  Ingriisku wuxuu  AFRICA ka bilaabay  waxbarsho tacleemeed oo  ilaa heer jamacadeed ah .Ujeedada ugu wayni waxay ahayd inuu tababaro dad  ka shaqeeya  adeegyada bulshada  . Wuxuu sameeyay Nursing Schools, Vocational Schools iyo jaamacado ay ka mid yaheen Sudan University, 1902 &  Makerere University ,1922, Uganda.  Fidinta taclinta Somaliland, waxa ganafka ku dhuftay suufiyo ku andacooday  in caurrurta laga dhigaayo gaallo.Iskuulada ay diideen  waxa ka mid ahaa “Berbera Boarding School”  oo la  dhisi lahaa 1938 ,   markii danbe  loo wareejiyay , Bakhtaal- Ruda Sudan.

2)  XUQUUQDA HAWEENKA : Markii dadku yara  ilbaxay ee wiilasha lagu daray skuulada, waxay weerar ku qadeen waxbarshada   habalaha “ Girls” ,ayagoo dadka u sheegaaya in shareecada islaamku kasoo horjeedo isdhex-galka tacliinta  “co-education” , habalahuna  xumanayaan haddii ay waxbartaan”. Waxaanay odhan jireen : “ Ninkii inantiisa  skuul  ku darow- inay ibtiloobi miyaanad ogayn “

3) AFTIDII  DISTOORKA . Taariikhdu marakay ahayd 1962,  waxa afti-qaran loo qaaday  ansaxinta distoorkii Somalia. Shacbiga Somaliland gebi ahaan way kasoo horjeedeen , ayagoo arkaayay xuquuqda distoooriga ah ee ka maqan.Laakinse waxa taageeray  “ SUUFIYO”  dhaqaale badan looga soo waariday  coonfur Somalia ,looguna soo dhiibay Siyaasiin . Sidaan maqlay, waxa berigaa la tiriyay suugaan  badan ,  oo dadwaynahu  kaga soo horjeesteen SUUFIYADA , waxaana  hal ku dhigyada   ka mida  ahaa:

“ Wadankii dhamaa  ,  wax yar siisate , waa yahay Wadaad”

“ Ilaahi wanlawayn  webiga ku rogow,  wiigana  naga laa Wadadada”

“Kol  haduu wanjaaf qaat , oo  waran ridaa leeyo,waxyi maaha ee waa ibliis walalac-diiseeye”

Maanta oo aynu ku jirno  21st Century, waxa SUUFIYADA  soo kiciyay  dhiig-meerato  ka  baqaaya in lala  tartamo, hormoodna ay ka yaheenDahabshiil & Salaama Bank. Somaliland waxay u baahantahay ictiraaf, maalgashi & shaqo abuur. Horumarka dal kasta  waxa gundhig   u ah   furista “ Global Banks” oo ka tarjuma  xasiloonida,deganaansha,fursadaha ganacsi iyo khayraadka dalkaas ku jira.Meel aan khayr jirin, baNGI lagama furo. Banankaasi waxay  ka furanyaheen  waajahaada    “ Al-Xaramayn Al Sharafyen ee Mecca & Medina, waxaana ka mid ah : Deutsche bank;BNP Paribas,JP Morgan Chase ,Saudi Hollande Bank; Muscat Bank etc. Hadaba   Lama fahmi karo  tafsiirka diiniga ah ee  u  diidaya  in  laga furo Zaylac, Lughaya, Borama, Gabilay, Hargeisa, Berbera, Oodwayne, Burco, Las Anod, Buhoodle, Erigavo iyo Badhan.

Drs Hoodo Yusuf, UK,London.

yhoodo@yahoo.com

http://www.sama.gov.sa/en-US/License/Pages/InternationalBanks.aspx

 

 

COMMENTS
Latest News