dhaymoolenews.com
Axmed Muumin Seed oo Kulan Qado ah oo Lagaga Tashanaayey Wacyi-gelinta Diiwaan-gelinta Goballada Galbeedka u Sameeyey Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahan Ka Soo Jeeda Deegaanadaasi+SAWIRO
January 26, 2016 - Written by wariye999

 

Hargeysa(dhaymoole):-Guddoomiye xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa maanta kulan qado sharaf oo lagaga lagaga tashanaayey siddii deegaanada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal ay si habsami ah uga qabsoomi lahayd diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha hotel SAFARI  ugu sameeyey siyaasiyiin, hal-door, aqoonyahan, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI, sida oo kalena ka soo jeeda deegannadaasi.

Siyaasiyiintan iyo aqoonyahankan oo ka soo kala jeeday deegaanada gobalka Awdal iyo Salal oo uu ugu horreeyo guddoomiye xigeenka xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md.Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Siyaasi Cali Cilmi Geelle, guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga WADDANI Pro.Qaasim Saleebaan Tubeec, Siyaasi Xasan Codyare, xildhibbaan Cali Aareeye iyo weliba xoghaye xigeenka arrimaha siyaasadda ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Abiib.

Kulankan oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, ayaa ay mas’uuliyiintani diiradda ku saareen siddii iyada oo la isku duuban loogga wada qeyb-qaadan lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo la filaayo in ay deegaanaddaas ka billaabanto badhtamaha bisha foodda innagu soo haysa, sida oo kalena shacabka ku nool deeganaddaasi loo dareensiin lahaa muhiimadda ay u leedahay diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu, waxaana ay si buuxda isula waafaqqeen in ay lama huraan tahay siddii shacabka deegaanaddaas iyo guud ahaanba dalka looggu wacyi-gelin lahaa diiwaan-gelinta codbiyeyaasha.

Ugu dambeyntiina, kulankan ayaa noqonaya mid dhabbaha u xaadhaya siddii ay siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda deegaanaddaasi ay iskaga kaashan lahaayeen wacyi-gelinta diiwaan-gelinta iyo sida oo kale ku boorrinta shacabka ku nool deegannadaasi ka qeyb-qaadashada siddii ay isagu diiwaan-gelin lahaayeen kaadhka isbedelka ee ay ku dooranayaan ciddii haggi lahayd mustaqbal ahaan ka dib marka uu xilkaas banneeyo madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Somaliland Md.Axmed Siilaanyo oo wakhti sannadeedkiisii waxyar u hadhsan tahay.

Dhaymoolenews.com/Hargeysa

COMMENTS
Latest News