dhaymoolenews.com
Antoine Griezmann Oo Shaaciyay Halka Uu Waayihiisa Ciyaareed Ku Dhamaysan Doono.
June 5, 2020 - Written by wariye999

Gool dhaliyaha kooxda Barcelona iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann ayaa soo bandhigay riyooyinkiisa kubbada cagta ee waqtiga dhaw iyo halka uu doonayo in uu waayihiisa ciyaareed ku soo gaba gabeeyo.

Griezmann ayaa sheegay in riyadiisa ugu horaysaa ay tahay in uu Barcelona kula guulaysto koobabka Champions league iyo La Liga kadibna uu diirada saari doono sidii uu xulkiisa France markale ugula guulaysan lahaa koobka aduunka ee Qatar 2022.

 

Kadib waxa uu Griezmann ku dhawaaqay in horyaalka Markaykanka ee MLS uu yahay horyaalka uu doonayo in uu kubbada cagta ku soo gaba gabeeyo waxaa hore loo ogaay dadaalkii uu David Beckham ugu jiray in uu xidigaha magaca wayn leh keeno kooxdiisa cusub ee Inter Miami.

Antoine Griezmann ayaan Barcelona ku lahayn saamayntii uu ku lahaa kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, laakiin waxa uu rajaynayaa in koobabka La Liga iyo Champions League uu Barca kula guulaysto.

Antoine Griezmann oo ugu horayn ka hadlaya riyooyinkiisa  ayaa yidhi: “Waa kula guulaysiga Barcelona ee La Liga iyo Champions league taas oo riyo noqon karta waxayna sidoo kale tahay ujeedadayda”.

Riyada xigta ee uu Griezmann doonayo ayuu ku sheegay: “Intaas kadib waa ku guulaysiga wax walba oo yimaada. Waxaa jira koob kale oo aduun, sidaa daraadeed waa koobka aduunka ee Qatar lagu qaban doono”

Laakiin Griezmann ayaa shaaciyay in uu kadib u dhaqaaqi doono horyaalka MLS ee dalka Maraykanka wuxuuna go’aankiisa ku shaaciyay:”Intaas kadib waa MLS. Anigu ma garanayo kooxda, laakiin waxaan xaqiiqdii doonayaa in aan halkaas ka ciyaaro”.

Griezmann ayaa go’aankiisa sii adkeeyay wuxuuna yidhi: “Aniga ahaan waa ujeedadayda in aan waayahayga ciyaareed ku damaysto United States oo ah suurtogalnimada aan si fiican ugu cyaaro oo aan qayb wayn ka noqdo koox koobka u dagaalamaysa”.

Griezmann ayaa shaki wayn la galinayaa mustaqbalkiisa Barcelona maadaama oo ay maamulka Camp Nou doonayaan in ay Neymar Jr soo celiyaan waxaana hore layskugu dayay in Griezmann uu heshiiskan qayb ka noqdo

COMMENTS
Latest News