dhaymoolenews.com
Waxqabadka iyo horumarka gudoomiyaha baanka dhexe
June 22, 2020 - Written by wariye999

Qore Caynaashe Abdilaahi carey
26/4/2018 ayuu xafiiska Gudoomiyaha Baanka dhexe la
wareegay Dr. Cali Ibrahim Baqdaadi. mudadaas kooban
ee labada sano iyo dhawrka bilood ah wuxuu ku guulaystay
inuu hoos u dhigo heerka sicir bararka 21%
wuxuu kaga shaqaysiiyay siyaasada lacagta ee loo
yaqaano” Monetary policy ” hadii xadiga lacagta ee SLSH
ay suuqa ku badato in lagu sameeyo Contractionary
monetary policy, hadii ay ku yaraatana lagu sameeyo
Expansionary monetary policy. Sidaas daraadeed iyado
dib boodhka looga tumay siyaasadii bangiyada dhexe
; tani waxay qiime ahan sare u qadaynaysa shilinka
somaliland badan nooca sicir bararka soo waxay si toos ah
u yaraynaysaa sixir bararka soo noqnoqda ee xadhkaha
goostay ee mudooyinkii dhaweyd naafeeyay dhaqaalah
JSL waxa uu salka ku hayaa qiimo dhac ku yimi shilinka
somaliland. Maadama oo baanka dhexe ku guulaystay inuu
jebiyo darbigaa qiimana u yeelo lacagta SLSH, isagoo
kasoo qaaday sarrifka 1$=10500 slsh gaadhsiiyayna 8370
slsh runtii waa wax lagu farxo in xadigaa intaas leeg hoos
loo dhigo.
Gudoomiyaha Baanka dhexe wuxuu horumar la taaban
karo ka sameeyay Banking system ka somaliland oo inta
badan Daraasada culuumta dhaqaaluhu ku sheegi jireen
inay tahay “ Fragile Banking system ”. Hadaba maxay
tahay faaidyoonka dhaqaale ee laga dhaxlay?
tahay faaidyoonka dhaqaale ee laga dhaxlay?
Gudoomiyaha Bangiga JSL DR.Ali ibrahim Baqdaadi
mudadii fara ku tiriska ahayd ee uu joogay Xafiiska :
1.Gudomiyaha baanka dhexe ee JSL iyo wefti u
hogaaminayo oo ka kooban guddi hoosadka dhaqalaha ee
golaha wakiilada iyo Agaasimayaal guud ayaa boqasho
ku tagay bishii August 2018 Nairobi o ay kula kulmeen
Baanka aduunka, wasaarada maaliyada Kenya, iyo
safiirka Japan u fadhiya Kenya.
2 Bishii October iyo November 2018 Gudoomiyaha Bangiga
dhexe ee Somaliland, ayaa casuumad heer,Sare ah ka
helay Dhigiisa Dalka Malaysia iyo madaxda bangiyada ee
wadankaasi ugu saraysa,Dr.Baqdaadi waa markii labaad
ee uu cusuumad noocani ah dibada ugu baxo Wadamada
UK iyo Malaysia…. safarka waxa Ku wahelinayay
Gudoomiyaha rugta ganacsiga SL iyo Wasiirka ganacsiga
SL.
Gudoomiyuhu wuxuu ka helay martiqaad rasmiya haayado
maaliyeed oo ka tirsan dalka ingiiriska sida New castle,
London, Manchester isagoo lagu soo dhaweyay Calanka
JSl. Sidoo kale wuxuu la kulmay masuuliyan ka tirsan
machadka caanka ah ee “ London School of Economics
” kuwaas oo Raba inay Cilmibaadhis ku sameeyaan
nidaamka dhaqan dhaqaale ee jamhuuriyada somaliland,
iyagoo xooga saari doona adeegyada loo yaqaano “ Mobile
Banking and e-Money ga ”
3.Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud oo 12 February
2019 kulan la yeeshay Michael Rubin oo ah aqoonyahan
Maraykan ah oo taageerada iyo ictiraafka Somaliland
adduun weynaha kaga hawl galay. Waxaanay xogwaran
adduun weynaha kaga hawl galay. Waxaanay xogwaran
guud ka siiyeen dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo hawlaha
u gaarka ah Baanka, iyada oo ay si faahfaahsan uga
warameen horumarka, hiigsiga iyo carqaladaha soo
wajahay baanka hore iyo intaanu xilka haynay. Waxaanu
Guddoomiyahu sharaxay shuruucda gacanta lagu hayo
oo kaalin weyn ka qaadan doonta horumarka Baanka iyo
dhaqaalaha dalka guud ahaan.
24 march Madaxwaynaha Jamuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad Sanadeedka
dastuuriga ah ka hor jeediyay labada aqal ee
Baarlamaanka ee JSL, Madaxwaynahu waxaa uu khudbad
sanadeedkiisa ku soo soo qaatay kana marag-kacay hor‐
umarka uu Baanka Dhexe ka sameeyay maamulka Suuqa
Sarifka Lacagaha, Waxaana hadalkiisu u dhignaa sidan.
“Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo
Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya
danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicirbararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%
” .
Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin
ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu
daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee
dalkeena.”
( Source: Eng Mukhtar Omar Ali )
26 march safiirka Ethiopia Amb. Sharfaudiin oo booqasho
ku yimid baanka dhexe.
16 April Furitaanka iyo Dhismaha Baanka dhexe ee
Magaalada Berbera : March 1973 ayey ahayd markii
xadhiga laga jaray Laanta Baanka ee Berbera waqtigaa
oo Maamule ka ahaa Madaxweynihii Hore ee Puntiland
mudane Cabdiraxmaan Maxamud Faroole , laanta
Baanka Ee berbera waxay shaqeenaysay muddo dhan 46
Sanadood , waxaa Alle mahadii ah in maanta Loo dhisay
loona qurxiyey Qaab Casri ah oo la jaan qaadaya Heer
Baan , waxaan Hambalyeynayaa Guddoonka Baanka ee
suura geliyey dhismaha Casriga ee loo dhisay laanta
Berbera. “ Cmc Australia”
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee jsl mudane Dr Ali
Ibraahim Al Baqdaadi oo 28 july gelinki danbe gaadhay
magaalada Ceerigaabo ayaa soo bandhigay 20 Gaadid ah
oo cusub oo Baanka Dhexe ee JSL u maalgeliyey.
Qalabkan iyo Gaadiidka Cusub oo isugu jira Cagafyo,
Iskarogooyinka Waaweyn iyo kuwa yaryar, Booyado Biyood
iyo Gaadhi Kalagshar Jayga sameeyaa saaranyahay,
taas oo loo adeegsan doono dhismaha wadada isku xidha
Togdheer iyo sanaag. Arrintani waxay muujinaysaa
tadawurka dhaqaale ee xaga maalgelinta oo uu ku
talaabsaday Bangiga dhexe ee JSL.
8 Bangiga dhexe wuxuu kor u qaaday haayadaha
maaliyadeed ee gaarka loo leeyay “ private financial
institutions, wuxuu keenay siyaasad iyo xeerar furfuran
oo soo jiidanaya dadka maalgashadayasha. wuxuu waqti
yar gudihii ruqsada ku siiyay shirkada Horn Insurance
ee caymiska qaablisan iyo Bangiga ugu faracyada iyo
ee caymiska qaablisan iyo Bangiga ugu faracyada iyo
hantida badan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya “
Amal Bank”
Abuuritaanka fariimo maalin leh oo kor loogu qaadayo
ka warhaynta heerka isku bedelka sarrifka taas oo qof
kasta oo ku nool mii, Tuulo, magaalo uu si fudud ku ogaan
karo heerka isku bedelka / sarrifka shilinka Somaliland iyo
US dollarka.Xawaaraha uu ku socdo horumarka Bangiga
dhexe ee JSL waa waxaan la inkiri karin, oo uu ubaahan
hambalyo cid kasta oo rabta kor ukaca iyo caafimaad
qabka dhaqaalaha jamhuuriyada somaliland
Isku soo dudubo guud ahan bangiga somaliland aya
horumarkan la kawsaday dedaal iyo juhdi ay geliyeen hawl
wadeenada iyo Gudoomiyaha bankigaga kadib

COMMENTS
Latest News