dhaymoolenews.com
Xildhibaan Cali Aareeye oo Geeriyooday iyo Gudoomiyaha Golaaha wakiilada JSL oo Tacsi u Diray
June 6, 2019 - Written by wariye999

Tacsi:
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi Raajucuun Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, Golayaasha Baarlamaanka iyo guud ahaan qaranka Somalilandba ee uu ka baxay Xildhibaan Cali SH. Ibrahim Aareeye oo habeenkii xalay 05 June 2019 ku geeriyooday dalka Turkiga.

Waxa uu Gudoomiyuhu ilaahay marxuumka uga baryayaa inuu janooyinkiisa ku casuumo Samir iyo iimaan saadiq ahna inaga wada siiyo Aamiiin.

Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL

COMMENTS
Latest News