dhaymoolenews.com
Xeer Ilaalinta Somaliland Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Eedaymaha Coldoon
June 30, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole):-Xeer ilaalinta somaliland ayaa go’aansatay inay dib u eegis ku samayso eedaymaha loo haysto wariye Cabdimaalik Coldoon.

Xeer ilaalinta somaliland ayaa go’aankan qaadatay iyada oo 29-kii bisha loo balansanaa in maxkamada gobolku ay dhagaysato difaaca ay qareenada wariye Coldoon ka qabaan eedaymaha lagu soo oogay fadhigii hore ee maxkamada.

Go’aanka ay qaadatay xeer ilaalintu ayaa keenay inuu dib u dhaco fadhigii ay maxkamadu ka yeelan lahayd jawaabta ay qareenada Coldoon ka bixinayaan eedaymaha kala duwan ee loo jeediyey wariyahan oo ilaa bishii April ku xidhan magaalada Hargeysa.

Maxkamada ayaa maalinta khamiista ah ee dabayaaqada todobaadkan u mudaysay in la dhagaysto jawaabta ay qareenada Coldoon ka bixinayaan eedaymaha kala duwan ee loo soo jeediyey kuwaas oo ay ka mid yihiin qoraalo uu ku baahiyey bartiisa Facebook kuwaas oo la xidhiidhay aragtida uu ka qabo xukuumada madaxweyne Muuse iyo sidoo kale dugsiga Abaarso.

COMMENTS
Latest News