dhaymoolenews.com
Wefti Ka Socda Dalka Djibouti Oo Soo Gaadhay Somaliland Iyo Ujeedada Ay U Socdaan
October 9, 2018 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole):-Wefti ka socda dalka Djibouti ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland.

Weftigan ka socda dalka Djibouti oo uu hogaaminayo gudoomiyaha guddida arimaha dibada ee baarlamaanka dalkaasi Xildhiban Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin, iyada oo madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ay ku qaabileen masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo baarlamaanka somaliland.

Gudoomiyaha guddida arimaha dibada ee golaha wakiilada somaliland Xil Axmed Cabdi Kijandhe oo ayaa soo bandhigay ujeedada ay weftigani u socdaan waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhawaynay wefti ka socda baarlamaanka Djibouti oo ka kooban laba qof iyo masuul kale oo wakiil ka ah xisbul xaakimka Djibouit, waxaanay ka qayb galayaan shirka furmaya Hargeysa oo lagu falanqaynayo arimaha somaliland, waxaanan leeyanahay soo dhawaada gurigiinii labaad ayaad timaadeene.”

Safiirka somaliland ee dalka Djibouti Cabdifataax Siciid Axmed ayaa ka hadlay weftigan ka socda dalka Djibouti waxaanu yidhi “Farxad ayey noo tahay inaanu soo dhawayno sadexdaas xildhibaan ee ka yimid Djibouti oo ay u yimaadaan shirkan muhiimka ah, wax cusubna maaha oo way socon doontaa, xildhibaanada somaliland-na way iman doonaan dalka Djibouti waana sidaas ay hawshu u bilaabantay, waxaanan rajaynaynaa in mustaqbalka uu xidhiidhku sii ahaado mid joogto ah.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin oo gudoominayey weftigan ka socday dalka Djibouti ayaa ka hadlay safarka ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “Waxaanu nahay wefti ka kooban laba xildhibaan oo xisbiga muxaafidka ah iyo hal xildhibaan oo xisbiga mucaaridka ah, waanan ka mahad celinaynaa soo dhawaynta naloo sameeyey, shirka aanu u nimidna waxaanu rajaynaa inuu noqdo mid qiime badan oo aanu wax isku waydaarsano, wadankayagii labaad ayaanu joognaa.”Ugu dambayn wasiirka cadaalada somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ka hadlay ujeedada ay weftiga reer Djibouti u yimaadeen somaliland waxaanu yidhi “Halkan waxaanu ku soo dhawaynay xildhibaano nooga yimid dalka Djibouti iyo danjirihii somaliland ee dalkaasi, kuwaas oo aanu ku soo dhawaynayno shir ka qabsoomaya Hargeysa oo lagu eegayo wixii u qabsoomay somaliland 27-kii sanadood ee ay jirtay maadaama aan ictiraaf raadinayno oo aynu doonayno in dadyow aduunka ka dhaadhicino qadiyadeena, markaa halkan waxa yimid gudoomiyaha guddida arimaha dibada ee baarlamaanka Djibouti anaga oo leh ku soo dhawaada dalkiinii labaad

COMMENTS
Latest News