dhaymoolenews.com
Wasiirka Waraafinta Dhaqanka Iyo Wacayi Galinta Somaliland Ayaa Ka Anba Baxay Dalka Ingriiska Halkaas Oo Ku Yeeshey Kulmo Xasaasiya .
January 13, 2019 - Written by wariye999

London (dhay) wasiirka wasaarda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi galinta
Somaliland Md Abdirahman Abdillahi Farah (guribarwaqo) ayaa ka anbabaxay
Dalka Uk Kadib markii uu Wasiirku kusugnaa muda Todobaad Ah.

wasiir Guribarawqo ayaa intii uu joogey dalka Uk waxaa kulmo layeeshey
Xubno ka Tirsan dawalada Ingriska oo kamid Yahay Ergeyga dowlada
ingriiska u qaabilsan Somaliland Mr Stuart Brown, Sidoo kale Haydo
madaxbaanan.

Kulamdii uu wasir guribarwaqo layeeshey Dawalada Ingriiska ayaa qaar
kood lagu shaaciyey saxafada Halka Kulmada Qaarna saxaafadu Dibeda ka
joogtey kuwaaso badi kadhacay wasaarada arimha dibeda Iyo xarunta
Madaxtooyada Ingriiska.

Waa markii u horeysey ee Masuul sare oo kasocda dalka Somaliland kulmo
noocan oo kale ah uu layeesho dawalada Ingriiska taaso kusoo beegantey
todobadkii hore markii uu somaliland booqdey wasiirka gashandhiga Dalka
Ingriska Mr Gavin Williamson.

Dawlada Ingriiska ayaa aad u daneyneysa Wakhtigan xadirka ah Dalka
Somaliland Waxaaney shegeen ilo xogagaal ahi iney dooneyso Dawalada
Ingriisku iney Somaliland Xeebaheeda sidoo kale Beriga ku yeelato
saldhigyo Meletry,waana Dowlda Kaliya ee ku jirta Golaha Amaanka
Qaramada Midoobey Balse aan saldhiyo meletry Ku lahayn Xeebta dheer Ee
bada Cas.

Tvsle London.

COMMENTS
Latest News