|
|||||
dhaymoolenews.com
Wasiirka Biyaha Somaliland oo Magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo ka Shaqayn Doona Horumarrinta Biyaha
January 26, 2019 - Written by wariye999Hargaysa (Dhaymoolenews): Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa magacaabay guddi khubaro ah oo ka kooban aqoon yahan waayo aragnimo u leh arrimaha biyaha. Xubnahan guddiga ah oo ka kooban 19 khabiir ayaa isugu jira muwaadiniin u dhashay Somaliland iyo qaar ajaanib ah, ayaa lagu xushay aqoontooda iyo heerka waayo aragnimooda saraysa ee Horumarinta Saktarka Biyaha Somaliland. Sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha jamhuuriaydda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (koore), kaas oo nuqul ka mida uu soo gaadhay wargeyska Dawan. Wareegtadda wasiirka biyaha Somaliland ayaa u dhignayd sidan: “Mudane Saleeban Yuusuf Cali (Koore), wasiirka Horumarinta Khayaadka Biyaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa aas aasay xubnaha guddiga Khuburada ugu aqoonta iyo waayo aragnimada badan ee horumarinta Khayraadka Biyaha Jamhuuriyaada Somaliland. Wasiirka biyuhu, waxa uu magaacabay xubnaha aas aaska u noqon doona guddiga khuburada ah, oo ka kooban ajaanib iyo muwaadiniin-ba, 20-kii bishan January 2019-ka. wareegtadda uu soo saaray wasiirka biyuhu waxa uu ku sheegay in Gudiga la magaabay (Somaliland’s Senior Water Experts Panel ‘’SWEP’’) ee wasaarada Horumarinta Biyaha lagu xushay aqoontooda iyo heerka waayo aragnimooda sarraysa ee Horumarinta qaybta Biyaha Somaliland. Xubnaha ku jira guddigan waxa loo aqoonsaday inay yihiin farsamo yaqaanada Biyaha Somaliland kuwa ugu sarreeya ee aan ahayn shaqaalaha wasaaradda ka hawlgala, waxaanay aas aas u noqday qaab-dhismeedka guddiga khuburadda ah ee wasaarada Biyaha. Khuburadani waa kuwo madax bamnaan oo laga filayo inay soo kordhin doonaan aqoon iyo farsamooyin casri ah oo lagu horumarin doono Biyaha Somaliland. Xubnaha ku jira gudigan kuma jiraan shaqaalaha dawlada ee ka hawlgala Wasaaradu. Xubnaha guddigani waa xirfadyahanada Biyaha ee ka hawlgala hay’ado kale. Waxayna ula shaqayn doonaan wasaarada Horumarinta Khayraadka Biyaha si tubaracaad ah, iyagoo laga filayo inay wasaarada ku soo kordhiyaan taageero farsamo iyo talo bixin cilmi ku dhisan. Xubnaha gudigan waxa laga filayaa inay ka faa’iideeyaan aqoontooda dheer iyo tacliintooda Biyaha iyo la dagaalanka abaaraha soo noq-noqda. Xubnaha gudigan Khuburada ahi kuma eka oo qudha 19-ka xubnood ee lagu xusay hoos, laakiin waxa ka mid noqon doona khabiir kasta ee loo aqoonsaday sidii kuwii hore loo qiimeeyeey. Waxa jiri doona nidaam iyo hannaan dhamaystiran oo lagu dhaqi doono Guddiga Khuburada Horumarinta Biyaha Somaliland, nidaamkaas oo uu wasiirka biyuhu gacanta ku hayo diyaarintiisa. Xubnaha wasiirka biyuhu magacaabay waxa ka mid ah kuwan ku hoos ku xusan:
6 Sven Jacobi NIRAS – Somaliland Water Resources Management & Investment Plan Project, Team Leader (Senior Water Resources Engineer).
13 Salem Shouhan, World Bank Group, West Africa Team Leader (Water Institutional Development Expert). 14 Noah Amin, Freelance Consultant Water Quality Monitoring Expert 16 Ali Regah, OXFAM – Somaliland/Somalia, WASH Coordinator (WASH Technical Expert) 17 Kamal Mohamed Farah, CARE International – Somaliland/Somalia, Water Technical Advisor (Water Technical Expert). 18 Eng. Mohamud Yasin , Independent Senior Water Expert, Senior Water Resources Engineer and Irrigation Expert 19 Eng. Mohamoud Abdulahi, Sustainable Land Management (SLM) Project, GIZ Somaliland Senior Project Advisor (Water Resources Engineer)
COMMENTS
|
Latest News
|