dhaymoolenews.com
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Togdheer Ayaa Maanta Si Rasmiya Ciidanka Dabdemiska Ugu Wareejiyay Xarunta Ciidanka Dab-demiska Burco
February 6, 2018 - Written by wariye999

Burco [dhaymoole]- Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye  iyo Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Togdheer Ramaax Ayaa Maanta Si Rasmiya Ciidanka Dabdemiska Qaranka Ugu Wareejiyay Xarunta Ciidanka Dab-demiska Magaalada Burco oo ah Warshadii hore ee Galleyda Magaalada Burco, taasoo gaar u noqon doonta isla markaana sidoo kale noqon doonta Xarunta Guud ee Ciidanka Dabdemiska Gobolka Togdheer.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL Cabdiqaadir Cumar Xaashi, waxaanu ka waramay baahida loo qabay in la helo xarun u gaara ciidanka dabdemiska Degmada Burco, taasoo waxbadan ka tari doonta horumarka ciidanka dabdemiska. Waxaa kaloo agaasimuhu halkaa ka sheegay in muddo badan ay rajaynayeen in la helo xaruntan taasna hore ay uga wada shaqeeyeen masuuliyiintii xukuumadii hore iyo masuuliyiinta hadda joogaba Xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhanka kale Ciidanka Dabdemiska Magaalada Burco ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlglayay Xarunta Gobolka Togdheer iyo Madaarka Magaalada Burco, waxaana imika ciidanku si rasmiya ugu wareegayaan xaruntan cusub.

Badhasaabkii Hore ee Gobolka Togdheer imikana loo baddelay Badhasaabka Gobolka Gabiley ayaa ugu horayn u mahadnaqay ciidanka dabdemiska Burco oo uu sheegay in aad loogu baahnaa, muddooyinkii u dambeeyayna ay si wanaagsan uga hawlglayeen magaalada burco kana damiyeen dabab badan intii ay ka hawlaglayeen magaalada burco. Mudane Ramaax sidoo kale wuxuu sheegay in muddo ay qorashaheeda wadeen xaruntan ciidanka isla markaana maanta ay soo dhamaatay, wasiirkuna ku wareejin doono maamulka dabdemiska.

Ugu dambayn waxaa Munaasibadaas soo xidhay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye waxaanu mahadnaq ballaadhan u soo jeediyay ciidanka dabdemiska qaranka gaar ahaan ciidanka Dabdemiska Degmada Burco,oo uu sheegay in kaalin laxaad leh ugu jiraan horumarka qaranka, waxaanu sidoo kale xusay in magaaladani aad ugu baahnayd dabdemis maadaama oo ay caasimada labaad ee Somaliland.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa ugu dambayn ku wareejiyay Agaasimaha Fulinta ciidanka Dabdemiska Xaruntan oo maanta laga bilaabo noqon doonta Xarunta Ciidanka Dabdemiska Burco.

Gabagabadii Ciidanka Dab-demiska Burco ayaa Nadaafad ka bilaabay goobtaas oo dhismaheedu burbursanyahay una baahan dayactir, waxaana isla maanta ciidanku si rasmiya ugu wareegay xaruntaas.

 

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka.

Burco/Somaliland.

COMMENTS
Latest News