dhaymoolenews.com
Waa Maxay Arinka Ay Tahay Inaan La Ilaabin ?
September 16, 2018 - Written by wariye999

Nin ayaa maalin maqlay inuu jiro nin caqli badan oo xakiim ah oo wax kasta oo la weydiiyo ka jawaabaya, aad ayuu ula yaabay sida taasi ku dhici karto.

Meeshii ninka loogu tilmaamay ayuu tegay ka dibna wuu la fadhiistay , waxaan uu ku yidhi “ waan maqlay inaad tahay xakiim maskax badan, laakiin waxaan doonayaa inaad su’aal iiga jawaabto”.  Ninkii caqliga badnaa ayaa ku yidhi “  waa sax, waan isku deyi inaan jawaabo”.

Ninkii ayaa ku yidhi “ Waxaad ii sheegta arimaha ay tahay inay dadku weligood xusuusnaadaan, iyo kuwa ay tahay inay mar walba ilaabaan oo xusuusta ka saaraan?

Ninkii xakiimka ahaa ayaa ku jawaabay “Qofkii wanaag kuu sameeyaa weligaa ha ilaabin, qofkii adigu aad u samaysay wanaagna weligaa ha xusuusan iska ilow”.

COMMENTS
Latest News