dhaymoolenews.com
Ururka Qareenada Somaliland(Solla) Oo Canbaareeyey Hadalada Xanafta Leh Ee Ka Baxsan Anshaxa Nidaamka Ololaha Doorashada.
October 27, 2017 - Written by wariye999
URURKA QAREENADA SOMALILAND (SOLLA) OO CAMBAAREYAY HADALADA XANAFTA LEH EE KA BAXSAN ANSHAXA NIDAAMKA
OLOLAHA DOORASHADA
Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA waxa uu canbaaraynayaa hadalada ka baxsan anshaxa Nidaamka ololaha doorashada ee labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo WADDANI isu waydaarsanayaan warbaahinta labadii maalmood ee u dembeeyay, hadaladaas oo ah kuwo xanaf leh kana soo horjeeda anshaxa suuban iyo Nidaamka ololaha doorashada, islmarkaana niyad-jab ku ah bulshada reer Somaliland.
Hadalada ka soo yeedhay labada hogaamiye ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI waxay hoos u dhigayaan kobaca iyo Horumarka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxanay muujinayaan bisayl la’aan siyaasadeed, waxanay ahayd in ay dadweynaha u muujiyaan bisayl hogaamineed isla markaana u soo bandhigaan bulshada qorshayaashooda siyaasadeed ee wax tarka iyo Horumarka u leh bulshada.
Hadaba waxaana nasiib daro ah in dhagaha bulshada reer Somaliland maqlaan hadalo abuuri kara nacayb, kala-fogaan iyo amni daro bulshada dhexdeeda ah iyadoo horeba habdhaqanka siyaasadeed ee loolanka labadan xisbi uu abuurayay dareen cabsi leh oo umadda kala fogayn kara, waxaa kale oo xusid mudan in Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku ay hore u siiyeen digniino iyo ganaax anshax marineed labadan xisbi, taasi oo aad moodo in ay caadaysteen ixtiraam la’aanta jabinta xeerka anshaxa xisbiyada qaranka iyo xeerarka kale ee doorashooyinka.
Hadaba waxa aanu halka ugu soo jeedinaynaa labada xisbi Qaran ee KULMIYE iyo WADDANI iyo dhamaan hay’adaha la taxaluqa Nidaamka habsami socodka doorashooyinka sida tan:
■ In labadan xisbi joojiyaan hadalada turxaanta leh ee ka soo horjeeda Xeerka Anshaxa Doorashooyinka Qaranka
■ In labadan xisbi ay ku soo noqdaan saaxada ololaha doorashada ee xeerku jideeyay;
■ In labadan xisbi ay bulshada u soo bandhigaan waxqabadkooda siyaasi ee ay ku kasban karaan taageerada shacbiga;
Waxaa kale oo aanu u soo jeedinaynaa saxaafada iyo warbaahinta madaxa banaan in ay xakamayso oo aany bulshada u soo gudbin hadalada abuuraya isku dhaca bulshada iyo nabad galiyo darada
1
26-Oct-17
leh ee ay ku hadlayaan madaxda asxaabta qaranku, iyadoo saxaafada ay masuuliyadi ka saaran tahay illaalinta hadalada dhibaato ku keenay bulshada reer Somaliland.
Waxa kale oo aanu u soo jeedinayanaa Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka in ay gutaan waajibaadkooda sharci, isla markaana ay muujiyaan karti iyo firfircooni dheeraad ah oo ay ku xakameeyaan labadan xisbi qaran, iyadoo baryahan dembe ay ka muuqato Koomiishanka dabacsanaan badan iyo ku dhaqan la’aan awoodahooda sharci ee ku xusan Xeerka Anshaxa Doorashada iyo xeerka doorashooyinka madaxtooyada ee XERN0/20/2001. Iyo xeerka Anshaxa Asxaabta Qaranka (Code of Conduct), waxaana looga baahan yahay Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku in ay qaadaan tallaabooyin adag oo ay ku xakameynayaan labadan xisbi qaran “”
Wa Billaahi Tawfiiq
Maxamed Maxamuud Xaashi
Gudoomiye Vc?. —–
Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) So^r •’
2

COMMENTS
Latest News