dhaymoolenews.com
Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo Naqdiyey Jawabti Madaxtoyadu ka bixisay arinta Ganacsade Axmed Cisman
April 8, 2019 - Written by wariye999

“Madaxweynuhu In Uu Arrinta Dhex-dhexaadin Ka Galo Ayay Ahayd…” Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Hadlay Qadiyadda Axmed Geelle, Qabsoomida Doorashooyinka Iyo Arrinta Cali Khaliif

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxaysa  Axmed Cismaan Geelle iyo dawladda Jabuuti, waxaanu si adag u naqdiyay qaabkii ay Madaxtooyadda Somaliland uga falcelisay dhacdadan, isaga oo ka warramay Khaladaadka ku jiray warsaxaafadeedkii Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.
Siyaasi Muniir Axmed Cigaal waxa uu tallooyin muhiim ah u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Dhan kale Muniir Axmed Cigaal waxa uu ka hadlay doorashooyinka iyo tabashooyinka gobolada qaar ka qabaan Somaliland iyo Heshiiskii Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh,  Halkan hoose ka DAAWO
https://www.youtube.com/watch?v=AuzjqPG2Zh0&feature=youtu.be&fbclid=IwAR223h2mrFywTbkt-HjJyEpwaK6WBEOpz6yevmoJhmWQ6_ah9g7qX1cvTaE

COMMENTS
Latest News