dhaymoolenews.com
SHIR LAGU LAFO-GURAYO XEERARKA XAWAALADAHA IYO MAYDHISTA LACAGAHA OO KA FURMAY HARGEYSA
November 28, 2018 - Written by wariye999

Hargaysa (Dhaymoole):- Shir lagu lafo gurayo xeerarka xawaaladaha iyo maydhista lacaga, ayaa shalay ka furmay Hargaysa. Shirkan oo ay ka qayb galeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, baanka dhxe iyo madaxda xawaaladaha ka shaqeeya isu gudbinta lacagaha la isu diro.

 

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ka hadlay muhiimada ay qaranka u leeyihiin labada xeer ee kala ah xeerka xawaaladaha iyo ka lacagta la maydho ee sharci darrada la isugu gudbiyo.

Waxaa kale oo ka hadlay agaasimaha baanka dhexe Axmed Xasan Carwo iyo guddoomiyaha guddi hoosaaska dhaqaalaha ee golaha wakiiladda Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanwayne).

Ugu horrayn

guddoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda oo furitaankii shirka hadal ka jeediyay, ayaa yidhi “Xeerarkan la samaynayaa waxa lagu dhaqayaa waa dadweynaha Somaliland baahi ayaana keentay in xeerarkan Maydhista lacagaha sharci darada ah laysugu gudbiyo iyo xeerka Xawaaladaha oo shaqo wanaagsan ummadda u hayay Xawaaladuhu ka gole ahaan waxaanu ku dedaalaynaa in aanu awoodda saarno Xeerarkii dalka lagu maamulayay oo ah waxa uu golaha wakiiladu u aasaasan yaay .,labadan xeerna waxay ka mid yihiin xeerarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha.”

Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada,ayaa dhankiisasheegay in xeerarkan muddo la soo waday islamarkaana laga eegay dhanwalba si aan hadal uga iman oo aan loogu arag waxyaabo ka hor imanaya shareecada Islaamka iyo dastuurka dalka,waxaanu intaa raaciyay in labada xeer midba maalin laga wada doodi doono,waxaanu yidhi. “Xeerarka loo samaynayo dalka waa in laga saaro wixii Diinta Islaamka ka hor imanaya way jiraan xeerar hadal badani ka yimid waana lasoo akhriyay wixii lagu kordhin karo labadan xeerka Maydhista lacagaha iyo xeerka Xawaaladaha,marka aynu maanta (shalay) Xeerka xawaaladaha falaqayno berry(maanta) waxaynu falaqayn doonnaa xeerka Maydhista lacagaha ee sida qayral sharciga ah laysugu gudbiyo,”.

Dhinaca kale agaasimaha baanka dhexe ee Somaliland,ayaa soo dhaweeyay xeerarkan tilmaamayna in ay ka mid yihiin xeerarkani kuwo uu u dabran yahay baanka dhexe oo aanu la’aantood shaqayn karayn kuna boorriyay golaha wakiiladu in ay hore u dar dar galiyaan soo saarista xeerarkan,waxaanu yidhi. “Baanka dhexe waxay dadku ku canaantaan in aanu hawshiisa qabsan shuruucdii uu ku shaqaynayay baanka haddii aan loo samayn oo aanu ku shaqayn waxay noqonaysaa in Baanku halkiisii uun taagnaado,xeerka maydhista lacagaha iyo xeerka Xawaaladaha waxa ku xidhan horumarka Xawaaladaha.waana in aanu wakhti dambe inagaga lumin xeerarkan waxaanan uga mahadnaqayaa gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ee xeerarkan soo sameeyay.”.

COMMENTS
Latest News