dhaymoolenews.com
Shaqaalaha Jaamacadda Gollis Oo Aan Muddo Shan Bilood Ah Mushahar Indhaha Saarin ,Xili Wasaaraddaha Waxbarashada Iyo Shaqada Iyo Shaqaaluhu Doorkeedii Gabtay.
August 30, 2016 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Shaqaalaha kala duwan ee jaamacadda Gollis oo kamid ah jaamacaddaha magalaada Hargeysa ku yaala ayaan muddo shan bilood ah wax mushahar ah qaadan.

Jaamacaddan oo kamid ah jaamacaddaha ugu ardayda badan ,sidoo kalena ugu qaalisan Somaliland ayaan ilaa hadda la garanayn sababta keentay in aanay shaqaalaha ka hawl gala qaadan wax Mushahar ah mudadaasi shanta bilood ah.

Waxaanay tani keentay inay ka hulaylaan qaar badan oo kamid ah macalimiintii ugu tayada badnayd jaamacaddaasi,kuwaas oo ku biiray jaamacaddaha kale ee magaalada Hargeysa qaar kamid ah.

Maaha markii ugu horeysay ee ay mushahar la’aantaasi soo food saarto shaqaalaha jaamacaddaasi ,waxaanay noqotay arrin marwalba dhacda,iyada oo guddoomiyaha jaamacadda Gollis Dr Siciid Axmed Xasan shaqaalaha ka amaahdo lacagtaasi mushaharka ah,iyada oo ay taasi ku lamaan tahay dabeecad adag oo uu kula dhaqmaayo shaqaalahaasi.

Waxa kale oo iyaguna jira shaqaale ajaanib u badan oo jaamacaddaasi jooga,kuwaas oo lacago aad u badan ka qaata jaamacaddaasi,halka ay ku mushahar la’yihiin shaqaalaha muwaadiniinta ah ee jaamacadda ka hawl gala nooc kasta oo ay ahaadaanba.

Waxaana jaamacaddaasi ka hawl gala marka laga yimaado shaqaalaha Somalilanders ka ah ,shaqaale kale oo kazoo kala jeeda dalalka Hindiya ,Uganda iyo Ethiopia,kuwaas oo dhiga qaybaha Degree-ga iyo Master Program-ka.

Dhanka kalena wasaaraddaha Waxbarashada iyo Shaqadda iyo Shaqaalaha oo ay ahayd shaqadooda inay ogaadaan arrimaha Shaqaalahaasi ayaan waxba ka ogayn,iyada oo wasaaradda Shaqadda Iyo Shaqaalaha shaqadeedii kusoo ururtay inay ka hadasho Siminaaradda Gudniinka Fircooniga ah iyo hawlo kale oo aan dalka Manfac badan u lahayn.

Ilaa hadda ma jirto sabab cad oo la odhan karo wuu ku maqan yahay mushaharka shaqaalahaasi,iyada oo sannad walba lacagta ardayda laga qaado la kordhiyo,loona isticmaalo lacagtaasi xaflado gaar ah oo guddoomiye Siciid Axmed Xasan qabto,shaqaalahaasi Ajaanibka ah ilaalintooda iyo sidoo kalena dulimaadyo dibada ah.

 

COMMENTS
Latest News