dhaymoolenews.com
Sarkaal Guutada 7aad Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Gobolka Sool Ka Tirsanaa Oo Caawa Fiidkii Toogasho Lagu Dilay Iyo Xildhibaan Ka Hadlay Cida Dilka Geysatay
March 4, 2019 - Written by wariye999

ALLE haw Naxariisto ee waxa Dil Toogasho ah oo sida la sheegay Askari Ciidanka Milatariga ka tirsani ku dilay Sarkaal  Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan (Dhego-Weel) oo derajadiisuna ahayd KABTAN ka tirsanaa guutadda 7aad ee Ciidanka Qaranka  Somaliland gaar ahaan Gobolka Sool, waxaana  warka dilka Sarkaalkani la xidhiidha ay xaqiijinayaan in uu baxsaday Askarigii Milatariga Somaliland ka tirsanaa ee Toogashadda ku dilay Sarkaalkani.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo ah mudane golaha guurtidda ee Somaliland ugu jira Gobolka Sool, ayaa  isaga oo ku sugan magaaladda Wedh-Widh ee gobolka Buuhoodle la soo xidhiidhay Wargeyska Saxansaxo, ayaa xaqiijiyey isla markaana  tacsiyeeyey  Saraal  magaciisu yahay  Marxuun Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan  kana tirsanaa guutadda 7aad ee Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka  Somaliland kaasi oo sida xidhibaanku cadeeyey  uu sheegay in uu sarkaalkani toogasho ku dilay Askari isla Ciidanka Milatariga ka tirsanaa, waxaana dilku ka dhacay Deegaanka YOGORI oo ilaa 60KM Waqooyi ka xiga magaaladda Laascaanood.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo Wargeyska Saxansaxo khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay isaga oo magaaladda Widh-Widh ee gobolka Sool ku sugan waxa uu yidhi “Inaa Ilaalihi Wa Inaa Illaahi Raajucuun, adeer aniga oo ku sugan magaaladda Widh Widh, waxaan idiin la soo xidhiidhay, waxaan Qaranka Somaliland gaar ahaan Ciidanka Qaranka iyo Shacabka iyo Qoyska uu ka baxayba intaba doonayaa in aan  ka tacsiyeynayaa  Sarkaal Sare Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan  oo Ciidanka Qaranka Somaliland gaar ahaan guutadda 7aad ee Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa , kaasi oo Caawa Fiidnimadii markii ay saacaddu ahayd abaaro    8:30  uu toogasho ku dilay askari ciidanka Milatariga Somaliland gaar ahaan guutadda 7aad ee gobolka Sool uu toogtay isla markaana uu baxsaday oo ciidanka qaranku ku raad joogo sidii uu gacanta ugu soo dhigilahaa gacan ku dhiiglaha, waxaan leeyahay dhamaanteen ALLE Samir iyo Iimaan haynaga siiyo isagana Janadda ha ka waraabiyo”

COMMENTS
Latest News