dhaymoolenews.com
NOLOSHA QARSOON: Ma Ogtahay In Zinedine Zidane Ahaan Jiray Askari Milateri Ah, Yeyse Ahaayeen Xiddigii Faransiiska Ee Ciidanka Ay Ku Wada Jireen?
November 15, 2018 - Written by wariye999

Ciyaaraha marar badan waxa la barbar-dhigaa sida dagaal, waxaana kuu caddaynaysa luuqadda lagu isticmaalo falan-qaynta kubadda cagta, sida marka koox laga dhaliyo gool oo lagu adeegsado ereyadan: goolhayaha (dhul aanu ciidan joogin) iyo tababaraha: (dibu-habaynta ciidankiisa). Waxa kale oo jira ereyo la mid ah kuwa ciidamada amaba dagaalka ay galaan oo lagu isticmaalo luuqadda ciyaaraha sida Olole, hareerayn iyo cadow, xamaasadda dadka taageereyaasha ahna kama dhacdo sidii laba dal oo is laynaya.

Kubadda cagta waxa soo martay taariikh ku xidhiidhsan ciidamada, taas oo qasab ka dhigtay in xiddigo waaweyn ay ka qayb-galaan tababarka ciidamada, shaqada qaranka iyo arrimo kale, laakiin kuma koobna kubadda cagta, balse ciyaaraha kale ee dunida ayaa dhacdooyin naxdin leh laga soo tebiyey kaddib markii ciyaartooyo ku dhinteen dagaallo ay ka qayb-galeen iyagoo askar ah.

Middii ugu naxdinta badanayd waxay ka dhacday dalka Maraykanka oo xiddigii weynaa ee Pat Tillman oo ciyaari jiray kubadda NFL uu mar kaliya u xuub-siibtay askari ka tirsan ciidamada Maraykanka kaddib markii uu dhacay weerarkii argagixsada ee 9/11 oo lagu dumiyey daarihii mataanaha ee ganacsiga iyo xarunta Bentegon.

Siddeed bilood kaddib markii uu dhacay weerarkii 9/11, Tillman waxa uu soo afjaray xirfaddiisa, waxaanu si toos ah u noqday askari. Kaddib waxa loo diray dalka Iraq oo uu ka mid ahaa ciidamadii xukunka ka tuuray Saddam Hussein ka hor intii aan la geynin Afghanistan. Bishii April ee 2004 ayaa masiibadii ugu weynayd ee ciyaaraha Maraykanku soo yeedhay, markii uu ku dhintay tacshiirad tababar oo ay asxaabtiisu rideen, halkaana waxa looga dareeray geeridiisa oo xusuus badan kata tagtay ciidamada iyo ciyaaryahannada Maraykanka.

Waxa ka dhigay kiiska Tillman mid gaar ah oo naxdin lahayd, waxa uu ahaa qofkii ugu magaca weynaa ee xilligaas si xor ah u go’aansada inuu ugu biiro ciidamada Maraykanka oo uu dagaalladaas ka qayb-galo, waxaana lagu soo koobi karaa noloshiisa mid ku dhamaatay halkii ugu xumayd oo ah inuu ku dhintay dal uu duullaan ku yahay, isaga oo kasoo baqoolay nimcadii lacagta badan uu ku helayay ee ciyaaraha oo aan halgan badan uga baahnayn.

Qisada Tillman ma laha meel khaas ah oo ay ku istaagto, waxaana lagu soo hal-qabsadaa marka laga hadlayo arrin kasta oo ciyaaraha iyo ciidamada isku xidhaysa, laakiin may ahayn mid ku timid khasab.

Sharciyada dalalka ee ciidamaynta dhamaan shacabku way kala duwan tahay, waxaana jira kuwo ciyaartoyga iyo dadka magac leh sida la mid ah ciidamada kale ugu dira jiidaha hore ee dagaalladu ka socdaan taasi halis geliso naftooda, laakiin waxa beddelkooda jira dalal kale oo ka dhiga ciidamo kale oo gaar ah oo aan ka qayb-gelin dagaallada. Dalalkan dambe waxay leeyihiin kooxo milateri oo kubadda ciyaara oo laacibiinta dalkaas loogu yeedho in waajibaadkooda askarinimo ama shaqo qaran ay halkaas ku gutaan, ujeedaduna waa in aanay gelaynin halis weyn.

COMMENTS
Latest News