dhaymoolenews.com
Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha
April 7, 2019 - Written by wariye999

Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka…………………………….Q2aad

Hargeisa (….) Xogta aanu halkan idinku soo gudbin doono waxanu ka helnay qaar ka mid ah shaqaalaha warafaafinta oo aanu magacyadood soboba la xiidhidha shaqadooda iyo in sii gaar loo  beegsado u qarinay waxanu idin balan qaadaynaa inay sii socon doonaan maqaaladan aanu ka diyaarinay warfaafinta Somaliland.

waxaynu sii ambaqaadidoonaa maqaaladii taxanaha aha ee xiidhiidhay hababka musuqmaasuq ee ku shaqeysto agaasimaha maamulka iy lacagta wasaaradda warfaafinta somalilnad, Hasan Geedoole xogta ururinteed waxay socotay mudo dhawr bilood ilaa intii ka horeysay baadhitaaanka  hanti dhowrka guud ee qaranka Somaliland.

Markii la soo magacabaay agaasimihii hore ee warfaafinta Ali Aliyow wuxuu muran xoogani dhexmaray agaasimaha maamulka iyo lacagta hassan geedool, oo la xiidhiidhay habka miisaaniyadda loo maamuliyo sida sharcigu dhigayo mashiinka shaqadda wasaaradu waa agaasimaha guud , laakiin samiir daro markiiba wuxuu muranka gaadhay wasiir guribarwaaqo oo dhinaca saaray agaasimaha maamulka iyo lacagta ,Hassan Geedoole murankii wuxuu kalaaftey agaasimihii hore warfaafinta cali Aliyow,

Agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan goodeelo wuxu akowno dibadeed ku leehay dalalka UK,UAE, Akownadda qaar waxa ku qoraan isaga halka kuwa kalana ay ku qoran yihiin qoskooda oo ay qaar joogaan jig-jiga kuwa kalana ay joogaan Hargeisa iyo Boorama lacagta miisaaniyadda warfaafinta waxa ugu jira 4 afar  milyan oo dollar iyo lix boqol oo kun dollar lacagta ugu badan waxa lunsada iyo wasiirka markaa joogga warfaafinta oo markiiba guri iyo gaadhi u iibiyaa sii deg deg ila hada waxay shacabka Somaliland sugayaan talaabadda uu ka qaadayo madaxweynaha Somaliland mudan muuse bixi cabdi ,wiilkan yare  ee ku mabay xoolihii umadda.

Lacagta ugu jjrta  iibinta qalabta dayactirka tv-ga qaranka iyo radio Hargeisa waxa sii toos u mamaulka agaasimaha  maamulka hassan goodeelo  taasina waa keentay musuqmaasuqa iyo wax  is daba marinta oo ayn hanti dhowrku ku qabteen iyadoo lacagtii loogu talo galay qalabka uu sii gaar ah u maamushay isgoo iska dhigaya inuu dalab u dalbay wasaaradda warfaafinta imika hanti dhowrku wuxu ku helay lacag gaadhaysa ilaa 300,000 sadex boqol oo kun oo dollar isagoo masuuliyinta ugu sheegaya inuu qalab u soo iibinayo tv-ga qaranka marka laga qiyaas qaato sanadihii u dambeyey tv-ga qaranka looma soo iibin waxa qalab cusub ah ama dayactir laguma samayn qaybaha tv-ga qaranka iyo radio Hargeisa waxa tusaale kaga filan mudo dhowr bilood waxa hawada ka maqan idaacadii qaranka ugu weynayd  ee radio Hargeisa looma waayin lacag loo dalabka qalabka ay baahan tahay balse wuxu ka raadiinaya mashruuc uu isagu lacag kaga faa’iido taasina waaa ta keenay inay idaacadii fadhisato mudo dhowr bilood ah.

Madaxaweynaha Somaliland dhowr jeer buu gaadhay warkiisu wiilkan yare ee xoolihii umadda ka taanjira ee gur yahaya ka dhistay dalka UK oo imika degan  yahay  intay bulshadda Somaliland og tahay waxa la sugayaa jawaabta Wasiirka Cusub ee warfaafinta oo ay wakhtigii UDUB wada shaqeyn jireen Hassan Geedool,Mohamed Muuse Diiriye Mareeyihii  hore TV-ga Qaranka Somaliland,markii imika laguu sii dayey damiinka ee laga dhigay lacagta 50,000  kontan Kun ee dollar,markii uu shaqadaa ku noqoday wixi halkii ka sii bilaabay inuu degdeg u qoro VOUCHERO musuq maasuq taasina waxa gacan ka geystay Wasiir Guri barwaaqo oo la raba inay ka taanjiraan xoolaha bulshadda Somaliland  agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole, waxya isku xidhan yihiin Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo Sahla inuu Voucher-ada sii degdeg ah u dhaafiyo Xisaabadka guud ee qaranka oo ay isku beel ka soo wada jeedaan deegaanka Dilla ee Gobalka AWDAL,

Agaasimaha maamul iyo lacagta warfaafinta Hassan Geedoole,mudadii uu xidhnaa waxa la soo ururiyey lacag deyn ah oo uu afka ka balan qaaday intii ku jiray xabsiga Ciidanka Dambi Baadhista ee loo soo Gaabiyo (CID) inuu bixinayo marka uu ka soo baxo Xabsiga lacagtaas waxa sii bixiyey ganacsata Somaliland qaar ka mid ah, markii uu  ku jiray xabsiga dad badan ayuu balan qaaday inuu abaal gudi doono sida ay ugu dhaqdhaqeeq mudadii uu  ku jiray xabsiga ee loo haystay hanti lunsi xoole dadweyn musuqmaasuq iyo qaraabo kiil.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta wuxu laaluush ku bixiyaa lacaga aad u far badan sii uu Meesha uu sii jooga wuxuu lacagta siiya xubno ka ag dhow madaxweynaha Somaliland oo iskug jira wasiiro,wasiir ku xigeeno,xoghayn,xidhibaan iyo kooxo kale oo loo yaqaano magafayaasha madaxtooyadda dalka oo  uu balan qaada inay madaxweynaha Somaliland hortiisa  warbixin wanagsan ka geyn doonaan wiilka ku mabay xoolaha dadweynaha ee ku dhameystay musuqmaasuq iyo qaraabo kiil eex nin jeceleysi.

Waxan u sii kooban ugu hadli doonaa kharashka ku baxa tv-ga qaranka  gaar  ahaan satellite-ka kaga baxda lacag lagu qiyaaso  $495,000 Afar boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar waxa afar laab ka badana tahay lacagta ku baxda Tv-yadda kale ee gaar loo yahay, marka la eego lacagtaasi kale badh waxay ku dhacada sanduuqa ee hassan geedoole ku yahay Dalalka UK AUE, iyo kuwa sida shaqsiga ugu diiwaan gashan ee uu lacagaha ku dirsado.

La soco maqaaladda taxanaha ah ee aanu ku soo bandhigayno fadeexadda musuqmaasuq ee dul hoganaysa Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta Hassan Geedoole,  

Warfaa Ismail Yusuf.

Hargeisa -Somaliland.

COMMENTS
Latest News