dhaymoolenews.com
Markab Xoolo Ka Qaaday Dekada Berbera Oo Xaniban Iyo Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay.
July 13, 2019 - Written by wariye999

Hargaysa (dhaymoole) Xukuumada Somaliland ayaa xaqiijisay in uu jiro markab Dekada Somaliland

xoolo ka qaaday oo dawladu sucuudigu dib usoo celisay.

 

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Xasan Gaafaadhi, ayaa xaqiijiyay in dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga lagu xannibay Markab siday xoolo.

 

“Markabkaasi wuxuu ku tagay dalab ka yimid bangigii Islaamiga ahaa ee xilliga moosimka Xajka xoolaha qaadan jiray iyo ganacsadii Carabta oo tidhi Markabka ha la soo daayo waxaanu ku tagay damaanad ay bixiyeen oo ah in markabkaa la dejinayo,” ayuu yidhi wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi

Waxa uu intaasi raaciyay in markii Soomaaliya ogaatay in afar habeen ka hor Markabkani ka tagay Berbera ay wefti u dirtay Sucuudiga si loo waydiiyo warqad caafimaad oo Federaalka ah waxaanu sheegay in Markabkan oo dhanka Sucuudiga iyo waaxdiisa caafimaadku fasaxday ay Soomaaliya keentay arrinta ah in warqad la waydiiyo.

Waxa uu ku macneeyay arrintan dagaal ganacsi iyo siyaasadeed oo Soomaaliya kaga soo horjeedo nolosha bulshada Somaliland.

Waxa uu sheegay in wasiirrada Somaliland, madaxweynaha iyo ganacsatadu shir ay yeesheen isla qaateen in aan sinaba lagu ogolaan in Soomaaliya warqad caafimaad oo ay bixisay ay xoolaha Somaliland ku dhoofaan.

Dhawaan ayuu dalka Sacuudigu shaaciyay in dhamaan Xoolaha uga tagaya Soomaalida oo ay kujirto Somaliland inay dalkiisa ku soo gali karaan oo qudha ogolaanshiyaha warqaddaCaafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, taasi oo qudhana uu aqoonsan yahay, arintaasi ayaa waxa ganafka ku dhufatay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Islamarkaana waxay Somaliland markii dambe shaaciyay inuu Sacuudigu ka ogolaaday inuu si gaar ah ula macaamilayo Xoolaha Somaliland iyo Dekeda Berbera.

COMMENTS
Latest News