dhaymoolenews.com
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Guddidda Wasiirada ah ee Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha hoose Ee JPLG-ga
June 1, 2019 - Written by wariye999

Hargeisa-(dhaymoole)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta kulan ballaadhan la qaatay guddida Wasiiradda ee mashruuca maamul-daadajinta dawladaha hoose ee JPLG-ga.

Kulankan oo ah kii saddex biloodlaha ahaa ee guddida JPLG-ga iyo Madaxweyne ku-xigeenku yeeshaan ayaa lagaga dooday sidii loosii dar-dar gelin lahaa mashruucaasi oo ah mid muhiim u ah deegaanadda uu ka socdo, waxaana si gaara kulankani loogu lafo guray labadii waji ee hore oo min 5 sannadood ahaa wixii qabsoomay, waxa dhiman iyo waxa qabyo tir u baahan.

 

COMMENTS
Latest News