dhaymoolenews.com
Madaxweynaha Oo kulan La Qaatay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
March 6, 2018 - Written by wariye999

 Hargeysa(dhaymoole)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid xogwaran ah oo ay guddidu madaxweynaha warbixin ka siiyeen safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalka dibediisa kulamo kula soo yeesheen dalalka Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland.

Waxaanay madaxweynaha uga warameen ballan qaadyadii ay kala soo noqdeen safarkooda, iyagoo sheegay inay waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay u sheegeen in dhinacooda ay diyaar ula yihiin wixii ku waajiba ee looga baahdo doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2019ka.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku boggaadiyey hawsha qaran ee ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda, waxaanu u balan qaaday in  ay ka go’an tahay xukuumadda wixii kharash ku baxaya, sidii uu horeba madaxweynuhu u balan qaaday, ka guddi ahaana ay ku dedaalan in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin doorashooyinku.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

https://youtu.be/hyxXt5Sl-y8

COMMENTS
Latest News