dhaymoolenews.com
Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Oo Ka Warbixiyey Waxyaalihii U Qabsoomay Intii Uu Xilka Hayey.
May 11, 2019 - Written by wariye999

“MAREEYAHA GUUD EE MADBACADAQARANKA JAHMUURIYADDA SOMALILAND  MUDANE MAXAMUUD IBRAAHIM RAAGE AYAA SHEEGAY    INAY DARDAR GELIYEEN HOWLAHA  SHAQO EE AY MADBACADU UGA MASUUL TAHAY  IYO HORU SOCOD AY KA SAMEEYEEN ADEEGA AY BIXIYAAN  IYO WALIBA INAY DABOOLEEN BAAHIDA DABACADEED EE DHAMAANBA DOWLADDA MAREEYE MAXAMUUD IBRAHIM OO MAANTA SHIR JARAAIID KU QABTAY XAFIISKIISA ISAGA OO AY WEHELIYAAN MAREEYE KU XIGEENKA IYO DHAMAANBA AGAASIMAYAYAASHA WAAXAHA EE MADBACADU QARANKA”

Hargeysa(Dhaymoole)Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Ayaa Ka Warbixiyey Waxyaalihii U Qabsoomay Afartii bilood ee uu madaxda ka ahaa.

Maareeye Maxamuud Raage oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ka shaqeeyey muddadii uu joogay sidii uu dhaqaalaha madbacaddu u fadhiisan lahaa isla markaana aan mushaharka shaqaaluhu aanu bilna waayin.

Maxamuud Raage wuxuu intaas ku daray in iyagoo ka faa’iidaysanaya Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  ay ku dedaaleen sidii ay madbacaddu dib ugu heli laheyd adeegyo daabacaadeed oo hore loogala tagay madbacadda Qaranka, kuwaasi oo xusay in qaarkood ay dib ugu soo noqdeen madbacadda.

Maareeyaha Madbacadda Qaranku wuxuu sheegay inay dawladda  u qabtaan  adeegga daabacaada dhukumantiga lagu qaado cashuuraha ee Dawladaha Hoose ee dalka iyo xukuumadda dhexeba, waxaanu balanqaaday inay ku filan yihiin waajibka ay qaranka u hayaan.

halkan ka daawo warbixintii maareeyaha madbacadda qaranka somaliland https://www.youtube.com/watch?v=j2_zVNH6RZs

COMMENTS
Latest News