|
|||||
dhaymoolenews.com
Maanso: Ay-garad (Waxa curiyey Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)
November 25, 2018 - Written by wariye999Maansadan oo tilmaan ka bixinaysa hoos u dhaca ku yimi af-soomaaliga waxaa ku jiray erayo badan oo qaarkood la ilaaway waana dhoola-tus Af-soomaaligu u muujinayo afafka kale waxaanay tidhi
Ururtiyo laxaa sare Afa gaale Caliyaw Ninka adhaxda jiilaal Eegaa maladi jirin
Anna oonka la hashada Umalkiyo wisiisiga Waxaan ooda dhacameed Ashqaraar u kala guray Oo gadayda laacdiyo U baxii bilaan jiray Sidaan ugu abtirin laa
Awinkiyo aswaantiyo Arahdiyo argeegtiyo Agedkiyo adeentida Orobkiyo arbeebiga Abaajiga asoolka leh Awsaaxa jiifiyo Ilma-dhuug kolay tahay Ardalkiyo amuumkiyo Adamii tilmaanaa Uus-miirka liitee Nafta lagu la eertiyo Abqadiyo Adaahida Abxidayo adarigii Iyo aabigeedii Alamaanku saaraa Agabaraha geedkiyo Igmashada fartaaga leh Ologiyo ardaayada Axdartiyo asaayaha Awgiyo ijaabada Adurtii la odhan jiray
Agloolkiyo anfaaciga Arooskiyo agliilkii Ajuurada wadaadkii Eeraanka dheeraa Agtilaalki soocnaa Amihiyo Aboodiga Axadhiyo akeekiga Anfariirka jaantiyo Ayn faadka yaabka leh Arartiyo hayl hayskiyo Ilma raga shadeedii
Erayada tasoobiyo Afku inuu agoon yahay Aqoon-yahan tilmaamiyo Abwaan kaama qarinine Kumaad eer sanaysaa
Ayax guuray eel reeb Argtida xidaarkiyo Wax layidhi aftahankii Aamus buu ku dhawyahay Bayaxaw odoraskii Naaf dhaladka eedee Amin iyo god lays waa Asa oodan baa jira
Runta aba saxeediyo Abaraaqa waayaha Ab-ogaa warkiisiyo Arnaa’uudka waydii Ay-garadka sii raac Eela waynta naaxdiyo Baydari ugaadhsiga Ishinkeeda raacdee Ohligaad jeclaydi iyo Okholaha halkiisii Umal baa ka sarakacay
Arootiyo aroorida Ashkir inuu bariistiyo Wax layidhi Adeeridu Dhulka meel aftoolin ah Kuma uusi shitadoo Aarmigu ma saacido
Waa Agaali waranlay Iyo nugul abaareed Carshintii Aloog iyo Caliw daranti eexood Alle waxay ka sugayaan Cirku in uu mar ooftiyo Arligoo ku doogsada
Ukulidii dareenkiyo Uubatays ha joogee Yaa irdheeyay waayaha Yaa alooka saanyahay Aydinkiisa laaciyo Ijadiisa yaa luray
Arbe waa yaqaanaa Halkuu oosha mariyoo Oolimaad diraaceed Udawayne kuma furo
Aradkana hankaw daran Garashad abguurtiyo Agoon waa qofkii madhan
Indhaa aragtidooday Ilkuhuna waxgooyaan Aadmigu is qaad qaad Isagaan abuurtiyo Aayihiisa faalayn Damaciisa iibgee Hadba aag u sii gudub Nin adduun majeertaa Indheer-garato maahee Iimaanki duug noqoy Asalkiina laga faan
Adduunyada af baa fura Aqoontana af baa qora Dhaqankana af baa sida Dhaxalkii awoow iyo Isirkana afkaw mudan Aa saarta duugiyo Taariikhad aamiga Afku udub dhexaad iyo Aqolkooda weeyaan Ummadana henkeediyo Ilbaxeeda weeyaan Ubadkana asluubtiyo Aayahooda weeyaan
Alif macalin baa dhigay Iyo awgi waynaa Keena diidna aashi Aragtiyo far buu qoray Galaal aynigiisii Ummaduu wax uga tagay Shire-gaab amaan iyo Ubax baa dulsaaraa Ka daraa ogayl key Qoraal loogu iman jiray Afrax inuu dadaaliyo Wili orodki muudayn Gaarriyana astaamaha Afka waa macnayn jiray Arbe yaasha qaar iyo Akhyaartii badh baa maqan Abaal lugu xusuustiyo Tixdu waa abaartood Inta iilka jiiftana Alle hawgu sama falo Aamiiiiiiiiin
COMMENTS
|
Latest News
|