dhaymoolenews.com
Hoggaamiye Xirsi oo Maanta Soo Qaatey Kaadhkiisa Codbixinta Doorashada ee Somaliland
July 14, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole):-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI  Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan , ayaa maanta soo qaatay kaadhkiisii codeynta ee doorashooyinka Somaliland si uu u guto xaqiisa muwaadinimo ee ah in uu wax doorto la na dooran karo.

Hoggaamiye Xirsi oo kaadhkan ka soo qaatey goobta qaadashada diiwaan-gelinta Doorashada ee Sheekh Bashiir, ayaa warbaahinta u sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kaadhkiisa soo qaato isaga oo si weyn carabka ugu dhuftay in uu sidaas oo kale ugu dhiiri-gelinaayo shacabka Somaliland ay iyagu na soo qaataan kaadhkooda codeynta ee Doorashada si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo weli ba xuquuqdooda muwaadinimo si ay uga dhabbeeyaan himiladdooda Mustaqbal.

 

COMMENTS
Latest News