dhaymoolenews.com
Guddoomiyaha Shirkadda Telesom oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka.
November 27, 2018 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole) Masuuliyiinta ka soo qayb-galayaashii soo dhawaynta Guddoomiye Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadashay shir jaraa’id ka dhacay madaarka

Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hogaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI,  guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda  iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan.

 

 

Masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hoggaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kale oo tiro badan ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta Cabdikariim Maxamed Iid .

“Waxa aan u mahadcelinayaa madaxda kala duwan ee halkan (madaarka) timid, Alle ha idinka abaal mariyo wakhtiga aad u soo hurteen soo dhawaynta” ayuu yidhi guddoomiyaha shirkadda Telesom.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo ka hadlayay abaal-marinta billada uu ku guulaystay ayaa yidhi “Galadda timid ILLAHAY ayaa keenay markii laysku yimid ee la falanqeeyey hawshii aanu soo qabanay muddada dheer ee dalka oo dhan uu maanta midhaheeda wada leeyahay inay keento Ictiraaf ganacsi oo runtii ku suntan in shirkadu ay ku guulaysato hoggaanka tiknolaajiyadeed iyo isgaadhsiineed ee Afrika.”

“Macaamisha shirkadda oo la jaanqadaayey tiknoolajiga kolba aanu keeno kaas oo marag ma doon u noqday in ay keento guusha maanta, kalsoonida ay macaamishu nagu qabto waxa kow ka ah hal-abuurida iyo hoggaaminta toosan , waxa laba ka ah shaqaale carbisan oo akhlaaq, diin iyo khibrad intaba leh oo ugu adeegga macmiilkooda.”

Halkan ka daawo

COMMENTS
Latest News