dhaymoolenews.com
Guddaha Ka Akhri Warbixinta Oo Soo Bandhigtay Awoodaha Xad Dhaafka Ee Ciidanka Bileysku Isticimaalo Iyo Xogo Kale Oo Tacadiyadii Guddaha Somaliland Sannadkani Ka Dhacay
January 1, 2019 - Written by wariye999

Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan Ee Somaliland Ee (HRC) Oo Soo Bandhigtay Warbixinteedii Sannadlaha Ahayd Ee Wixii Tacadiyo Iyo Xadgudubyo Somaliland Ka Dhacay + Kiisaska Ay Sannadkan Diwaangelisay Iyo  Meelaha Warbixintu Xooga Saartay

Guddaha Ka Akhri Warbixinta Oo Soo Bandhigtay Awoodaha Xad Dhaafka Ee Ciidanka Bileysku Isticimaalo Iyo Xogo Kale Oo Tacadiyadii Guddaha Somaliland Sannadkani Ka Dhacay

Xarunta  Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee Somaliland loona soo gaabiyo (HRC/Human Rights Centre), ayaa soo bandhigtay warbixinteedii sannadda 2018-ka oo ku saabsan wixii xad gudubyo iyo tacadiyo Xuuqda Aadahama ka dhan ah ee sannadan dhamaatay ka dhacday gudaha deegaanada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay.

Shirkan ay Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee Somaliland  ee (HRC/Human Rights Centre), ay ku soo bandhigtay magaaladda Hargeysa warbixinteeda sannadlaha ahayd ee sannadkani dhamaaday ee 2018-ka ay ka soo diyaarisay wixii tacadiyo iyo falal ka dhan ah Xuquuqda aadamaha ee gudaha dalka ka dhacay, ayaa shirkani  wax aka soo qaybgalay Masuuliyiin iyo wakiilo ka kala socday Hay’addaha Caalamiga, kuwa  muxaliga ee u dooda una dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadamaha ee gudaha Somaliland ka hawlgala, ururadda ka shaqeeya arimaha bulshadda, wakiila kale oo ka kala socday dhinacyada Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo Baarlamaanka ee Somaliland, waxaana warbixinta sannadlaha ee Xarunta (HRC) ay sannadkani 2018-ka ku soo bandhigtay heerka xuquuqda aadamaha iyo gabood falada laga galo ay xooga ku saartay xaruntu Kiisaska tacadiyada ay diwaangelisay oo ay ka mid yihiin xuquuqda xoriyatul hadalka, Kufsiyada oo tiro beelay, habdhaqanka Ciidanka Bilayska ee shacabka oo laga dayriyey iyo Xeerarkii dawladdii Afwayno oo ku dhaqankoodu dhibaato wayn ku hayo bulshadda reer Somaliland.

 Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Xuquuqul Iisaanka Somaliland Garya. Yaasiim Cumar Maxamuud, ayaa  iyadu ugu horeyn furtay shirka warbixinta sanandlaha ah ay hay’adda ay madaxda ka tahay ku soo bandhigtay xad gudbubyadda ay diwaangeliyeen ee sannadkani dhamaaday ee 2018-ka Somaliland ka dhacay waxaanay tidhi “Run ahaantii aad ayaanu idiin soo dhaweynaynaa wakiilada hay’adaha Caalamiga iyo ururadda muxaliga ee u dooda Xuquuqda aadama hadii aad tihiin sida aad nooga la soo qaybgasheen shirkani sannadlaha ah ee aanu ku soo bandhigayno wixii aanu sannadkani dhamaaday ee 2018-ka diwaangelinay tacadiyadii iyo Kiisaskii kale ee xaquuqda aadama ka dhanka ahaa ee gudaha Somaliland ka dhacay,  waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa dadkii kale ee hay’adan kala shaqeeyey Xogta ee suurogeliyey inay xogaha aanu maanta soo bandhigay hay’adani soo gaadhan, runtiina waxaynu shirkan maanta iskugu nimid in aanu soo bandhigno sidii caadada ahayd warbixintii sannad walba ay soo saari jirtay , waana warbixintii sannadkani sii gebo gebada ahaa ee sii dhamaanaya ee 2018-ka, runtii warbixintani ujeedadeedu waxay ku saabsan tahay ama ujeedkeedu uu yahay in dawladda iyo dadka reer Somaliland talo laga siiyo sidii loo horumarinlahaa loona loona kobcinlahaa , xaalada xuquuqul Iinsaan ee dalka Somaliland, waxaana warbixintan oo dheer faahfaahin inaga siinaya agaasimaha guud ee xarunta xuquuqul Iinsaanka madaxa banaan ee Somaliland Garya. Guuleed Axmed Jaamac oo aan ku soo dhaweynaayo in uu warbixinta inoo akhriyo.

Agaasimaha guud ee Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac  (Daafac) oo si buuxda ugu dheeraaday tacadiyada iyo gabood faladda Sannadkani hay’addoodu ka diwaangelisay inay guddaha Somaliland ka dhaceen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sidii Somaliland caadada u ahayd waxa jira dhibaatooyin doora oo dalka ka dhacay kuwaasi oo ay sababtay is waafaqsanaan la’aan ka dhaxaysa dastuurka Somaliland iyo dhaqamada dawladda laamaheedu ay ku shaqaynayaan iyo shuruucda dalka, waxa jira shuruuc badan oo laga dhaxlay dawladdii aynu gooni isu taageena kala soo noqonay ee Somalia, shuruucdaasina waxay khatar iyo waxyeelo ku yihiin inay dadku heli karaan  xuquuqdooda aasaasiga ah, sida dastuurkaba ku qoran, waxaanad mooda in mudnaanta 1aada la siiyey ku dhaqanka shuruucda Somalia laga soo qaatay oo dastuurkeenu siiyey, waa dhibta 1aad ee ugu wayn ee aanu ogaanay in qofka Somalilander ka ahi si uu xaqiisa u helo wixii dastuurka ugu qoraa  waxa ka hortaagan  qawaaniin qaldan, qaloocan oo qaarkood ku abtirsadaan ninkii la odhan jiray Banita Musaliina 1930-kii markii uu dalka Talyaniga haystay sida xeerka ciqaabta guud dhib ayuu ku yahay dadka reer Somaliland , kuwaasi marka waxay dhaleen dhawr wax oo ay  tusaale ahaan ka mid tahay isku dhaca dadka dawladda dhaliila ee warbaahintu ugu horayso iyo masuuliyiinta dawladda , dadka shicibka ahi waxay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay dhaliilaan masuuliyiinta xilalka qaran haya waxna ka sheegi karaan”

Garya. Guuleed Axmed Jaamac  (Daafac) oo warbixintooda sannadlaha ah ee tacadiyada dhacay sii wata waxa uu yidhi  “Balse waxa mar walba loo adeegsadaa xadhig iyo dacwad ku oogid lagu salaynayo shuruucda hore ee Somalia lahaydee aan waafaqsaneyn dastuurka Somaliland, waxaanu sannadkan diwaangelinay 35 qof oo loo xidhay aragtidooda oo ay dhiibteen 28 ka mid ah dadka la xidhay Suxufiyiin ayey ahaayeen tiradaasi waxa laga yaaba inay ka yar  tahay tirada rasmiga ah ee la xidhay, laakiin waa inta aanu anagu diwaangelinay oo qudha 7 qof oo aan suxufiyiin ahayn ayaa ka mida dadka la xidhay sanadkan 2018-ka ee dhamaaday oo lagu xidhay iyaga oo aragtidooda dhiibtay, waxay u badan yihiin dadkaasi dad loo xidhay aragtidooda oo ay ku qoreen Barta Bulshadu ku kulanto ee Facebook, marka walaaca sannadkan soo kordhay wax aka mida ee ugu muhiimsan in Baraha Bulshaddu ku kulanto waxa lagu qoraa ay bartilmaameed u yiniin dawladda, macquula ay tahay qofka baraha bulshadda si wayn ugu dhaliila in hada ta laabo laga qado, sida arimaha xadhigu ka mid yahay dacwad ku soo oogistu ka mid tahay meesha uu ka shaqeeyo oo qofka lagu dabogalo ay ka mid tahay iyo hadii uu dawladda u shaqeeyo shaqada oo laga joojiya ay ka mid tahay iyo Facebook oo isaguna dhib wayn noqday oo dadkii oo aragtidoodii loogu imanayo ayaa soo korodhay, suxufiyiinta iyo dadka kale waxay keentay inay si wayn uga walaacaan inay dadku aragtidooda dhiibtaan oo aanay odhan Karin, wasaaradda warfaafintuna dhawr jeer waxay soo saartay amaro waa wayn oo xayiraad iyo xanibaad cul culus ku ah xoriyadda warbaahinta dalka ha ahaato sida warbaahin laga la noqday Ruqsadii sida Talafeeshinka Som-Newstv ama ha ahaato hay’adda warbaahineed oo wasaaradu ku farogelisay shaqadooda Tifadirenimo ama ay leedahay cida warkeeda ma sii dayn kartaan, cida sii daysa warkaana talaabo ayaanu ka qaadayna oo dabadeedna saxaafadda lagu khasbayo dad aanay waraysan Karin inay waraystaan iyo cago juglayn kale”

Agaasime Guuleed (Daafac) waxa uu sharaxay tacadiyada iyo gabood falada ay sanadkani diwaangeliyeen ee cusub inay ka mid ahayd Cabudhinta Saxaafadda oo waji cusub oo cabudhin iyo hadidaad ah ay xukuumadu shaqadooda ku farogelisay waxaanu yidhi   “Marka loo eego sannadihii hore ee dhigi jiray ama aanu tacadiyo saxaafadda loo geystay u diwaangelinay, waxyaabaha cusub ee sannadkani dhacay ayey ka mid tahay arimaha aan kor ku sheegay waayo sannadihii hore waa la arki jiray warbaahin la xayiro , waa la arkeyey warbaahin la qabsado, laakiin warbaahin loo yeedhiyo ciday waraysanayaan ama warka ay qorayaan ama cida aanay waraysan Karin hore umaanaan diwaangelinin , si la mida waxay ka dhacday gobolka Sool oo badhasaabka gobolka Sool uu warbaahinta gobolka ka shaqaysa ku amray in aanay soo hadal qaadi Karin wax war ah oo khuseeya maamul kale oo aan filaayo in uu u jeedo Putland, laakiin ay taasi muujisay inay ku adag tahay warbaahinta inay dhinac qudha warkeeda baahiyaan marka ay dhinacyo isku dilayaan dhibaatooyinka gobolka ka dhacaysa, waxa dhibaatooyin kale oo wayn oo isaguna gobolkan ka dhacay oo aanu diwaangelinay inay dadka ka soo food saartay dhibaato xaq weyn oo ay u leeyihiin sida inay mudaharaadi karaan ama ay shirar iskugu iman karaan waxa gobolka Sool uu maamulku soo saaray in dadka gobolka ku dhaqani aanay shir aanay iskugu iman Karin hadii aanay ogolaasho ka haysan dalka Somaliland amarada noocaasi oo kale ah ayaa soo baxay taasina waxay noqotay caqab wayn oo haysata dadka doonaya inay dawladda dhaliilaan oo shirar iskugu yimaadaan dadka gobolka degani inay isku yimaadaan”

Guuleed Axmed Jaamac  (Daafac) oo hadalkiisa sii wata waxa warbixintooda ku  soo bandhigay inay diwaangeliyeen sido kale dhibaatooyin ka dhacay gobolada bariga ee Somaliland sida Sool iyo Sanaag waxaanu yidhi “Somaliland oo dhana sida aad og tihiin mudaharaadadu hadii aanay dawladu ogolaanin waa ka mamnuuc in kasta oo taasi sida dastuurku qoraayo ka duwan tahay, waxyaalaha kale ee sannadkani aanu diwaangelinay wax aka mida dhibaatada soo jiitantay ee aan cusbayn ee ku timada abaaruhu ha barakiciyaan ama colaadaha Sool iyo Sanaag ka jira ha barakiciyaane , dadkaasi adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay xaqa u lahaayeen ma helaan , dhibaatooyinkaasi qaarkood dawladdu ma awoodo inay wax ka qabato, laakiin dhibaatooyinka qaar badan oo ka mid ahi waa siyaasad xumo ka timid dhinaca dawladda , waayo dhibka ugu wayni waxaanu ogaanay inay ka imanayso dhulka oo dadkii dhulkan ay leeyihiin maaha dhulay leeyihiin ee waa dhul ay leeyihiin ashkhaas gaar ahi, dawladduna siyaasad cad iyo shuruuc kama laha ay dadkaasi dhul ku heli karaan ama ay dhul ku degi karaan dadkii mudo dheer oo sannado badana waxay ku jiraan barakacnimo joogto ah oo dabadeetana noloshoodii faqri iyo gaajo badan ay sii sameysay goobaha dhulkaasna laga ma sameeyo goobo waxbarasho iyo goobo caafimaad iyo saldhigyo boolis iyo deegyo kale oo muhiima  nolosha dadku u baahan yahay, taasina waxay keentay tacadiyada iyaga ku dhaca in uu ka bato kuwa ku dhaca dadka kale ee reer Somaliland, waxyaalaha kale ee sannadkani aanu warbixintayada kaga hadlay wax aka mida oo waxyaalaha sanad kasta soo noq noqda ee aanu warbixinahayaga kaga hadalo waa arinka la xidhiidha xoriyada qofka ee ah in aan layska xidhin , hadii qofka la xidhana qofka loo xidho sifo sharci ah , hadii sifo sharci ah loo xidhana ay tahay in loo la dhaqmo si wanaagsan , kuwa si joogto ah ayaa dadka loogu tacadiya oo dadka waxa loo xidha sifo sharci daro ah iyada oo aan maxkamad la haysan dambina aan lagu haynin”

Agaasimaha Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee (HRC) Garya. Guuleed Axmed Jaamac  (Daafac) waxa uu warbixinta ku soo qaatay tacadiyada ay Ciidanka Bileysku kula kaceen shacabka iyo dadka Qaabab sharciga baalmarsan oo dadka layskaga xidho “Qofka eedaysanaha ah ee dawladu iska xidhayna maxkamadda marka la geeyana mudada dacwadiisu way dheeraata oo qofku bileysku mudo dheer ayey dambi baadhista iskaga haystaan, iyada oo qofkii aan damaanad la siinin dacwadiina mudo ayey soconaysa marka qofkii iyada oo aan la lahayn dambigii waa lagugu helay ama waa lagugu waayey ayuu dhawr bilood iska xidhnaanayaa, taasina xoriyaadkii aasaasiga ahaa ayey ka mid tahay intaana waxa dastuurka ku qoran qofka loo ma ogolaado xata qofka dawladu xidho qareenkiisa loo ma ogolaado in uu Saldhiga BIleyska ku booqdo oo looyarkiisii in uu helo qofkii ilaa uu maxkamada yimado loo ma ogolaanayo halka dad badan oo aanu waraysanay ay ka cabanayaan hab dhaqan xun oo bilaysku u la dhaqmo, ta waxa dhibato ku sii noqday xeerkii Bileyska ee dhawaan la ansixiyey ee abuurayey habka bilayska looga cawdo oo dawladu is hortaagtay in uu shaqeeyo , marka waxay dhibaato ku timid Bileyskii iyagiina waa laga cabanayaa meel dadkii uga cawdana ma jirto iyada oo qofkii muwaadinka ahaa wixii dastuurkiisa Somaliland ugu qorna intiisa badana aanu helaynin  marka uu qofku gacanta bileyska soo galo ama dawladu xidho qofka, Saldhigyada bileysku waa buux dhaaf, nadaafadooduna way liidata , cuntana maxaabiista dawladdu ma siiso , waayo saldhigyada sharciyan loogu ma telogelin inay dawladu ku hayso wax 24 saacadood ka badan, waa in qofka xidhan maxkamada la horgeeyo, cuntana uma taalo, qofku marka hadii aanu ehel lahayn isagiina cunto ma helayo  Hargeysa oo ah magaalo caasimadii dalka noqotay dadka imanayaana ay yihiin dad Tuulooyinka ka imanaya dadka la xidh xidhaana ay u badan yihiin dadka danyarta ah, gaar ahaan dadka ma shaqaysatada ah, ayaa saldhigyada dalka ku jira, qaar badan ayaan marka helaynin waxay maalintii cunaan waxa xata ku adkaanaysa dadka dawlada u xidh xidhan inay helaan noloshii iyo caafimaadkii inay helaan, marka dhibaato aad iyo aad u xun ayaa halka ka jirta oo u baahan inay dawladu wax ka qabato oo hoos ugu fiirsato”

Garya. Guuleed Axmed Jaamac  (Daafac) ugu dambeyntii waxa uu inta ku daray isaga oo si xoogan u dhaliilay ciidanka bileyska ee Somaliland oo warbixintu inay awoodo qayrul caadi ah isticimaalaan ku dhaliishay “Booliska marka aad warbixin sanaddeedkiisii eegto uu sannadkii dhawayd (sanadka 2018) soo saaray waxa ay sheegeen 28% kaliya dadka uu soo xidh xidho in uu maxkamad geeyo oo dadka eedaysanaha ahi inay 28% kaliya maxkamad aadaan, waxa kale oo uu Bileysku warbixintiisa ku sheegay 44% in Kiisaska dacwadaha saldhigyada bileyska soo gala lagu xaliyo  Saldhiga dhexdiisa , marka ciidankii booliska ayaa wuxu yeeshay awood qayrul caadi ah oo kiisaska dalka ka dhaca 50% in ka badan oo isagu farsameynaayo oo kii uu doonana bileysku sii daynaayo ku doonana haynaayo, hada 28% kaliya ayaa maxkamadu go’aano ka gaadhaan, ta macnaheedu marka aad indho sharci ku eegtid waxa weeye dadka inta kale oo dhan ee la xidho 72% sifo aan sharci ahayn ayaa lagu xidhaa , qofku hadii uu dambi leeyahay maxkamada ayaa la gaynlahaa dalka dhan 28% ayaa Kiisaska dacwadaha ka dhaca ka taga maxkamaddaha, marka waxyaalaha muhiimka ah wax aka mida oo markii hore layslahaa xeerka Bileyska ayaa wax ka qabanaya marka la dhaqan geliyo waxa lalahaa hadii Xeerka bileyska la dhaqangeliyo waxa la heli doona sharci lagu la xisaabtamo ciidanka bileyska oo waxa sahlanaanaya mudada dadka la xidha saldhigyada ku jiraan oo waxa la heli in  deg deg maxkamaddaha iyo sharciga loo horgeeyo eedaysanayaasha, waxyaalaha kale ee warbixin sannadeedkani kormeertay wax aka mida inaga oo si faahfaahsan u geli doona xeerkii Kufsiga oo loogu talo galay in uu Kufsiga la dagaalamo oo hawl waynina ay Somaliland ka soo gashay oo sannadooyin ansixintiisa dawladu way joojisay oo may dhaqangelinin , taasina waxay dhib wayn ku tahay dadkii dhibanayaasha ahaa oo maalin walba dhibaatada kufsigu ku dhacayso iyada oo bilaysku uu diwaangeliyey in 101 Kufsi ay sannadkan 2018-ka Kiisaskoodu ciidanka bileyska soo gaadhay, wasaaraddii shaqada iyo arimaha bulshaduna waxay warbixin ku sheegtay inay 520 Kiis oo Kufsi ay wasaaradda soo gaadhay, waxaana weeye marka horeba dacwadaha kufsiga ee maxkamaddaha gaadha aad ayey u yar yihiin , marka xeerkii la tuurana tiradii hoos ayey u sii dhacaysa  , xeerkii Kufsigana xeer kale lagu ma bedelin oo wali  lama keenin qayrul dastuurina weeye in xeer baarlamaanku ansixiyey oo madaxweynuhu saxiixay meel layska dhigo xeerkan uun maaha ee Xeerkii Bileyska ahaa isaguna sida Xeerkan Kufsiga oo kale noqday oo waa layska tuuray xeerarkani”

COMMENTS
Latest News