dhaymoolenews.com
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Taageeray Safarka Madaxweynaha Ee Qaarada Africa Gaar Ahaana Dalka Gini
July 6, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland  Isagoo ka duulaaya awooda Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ee Hagista siyaasada Guud ee dalka waxa ay si buuxda u Taageerayaan Safarka Madaxweynaha ee Qaarada Africa Gaar Ahaana Dalka Gini

Sidaasina waxa lagu shaaciyey war murtiyeen ka soo baxay xarunta Hargeysa ee golaha wakiiladda,waxaana uu u dhignaa sidan

War-saxaafadeed 06 July 2019 Ujeedo: Baaqa Taageerada Safarka Madaxweynaha JSL

Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda SomaliLand  Isagoo ka duulaaya awooda Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ee Hagista siyaasada Guud ee dalka.
Isagoo goluhu yaqiinsan isbedelada iyo marxaladaha siyaadaha caalamka
Sidoo kalena Og Xuquuqda aasaasiga ah ee Aayo ka tashiga Umadaha aduunka (Self declaration).
Goluhu isagoo aaminsan xaqa umadda Somaliland u leedahay inay aayahooda kaga tashato isla markaaana hesho aqoonsi caalamiya waxa uu soo saaray Baaqan,
1. Golaha Wakiilada a SomaliLand  waxa uu si buuxda u taageersan yahay safarka Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ku marayo wadamada Galbeedka afrika gaar ahaana Dalka GINI Waanu ku hambalyaynayaa talaabadaas taariikhiga ah ee uu qaaday.

  1. Golaha Wakiiladu wuxuu uga mahadnaqayaa Dawlada Guinea Conakry sida qiimaha iyo gobonimada leh ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyoo weftigiisa
    3. Golaha Wakiiladu wuxuu si xoogan u cambaaraynayaa hadalada cadaawada iyo kala fogaynta ah ee ka soo yeedhaya Dawlada Xamar ee aan iskeed isu maamulin.
    4. Golaha wakiiladu waxa ay ka fiirsan doonaan sii socoshada wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

Gebagebadii Waxaanu beesha caalamka ka codsanaynaa inaanay indhaha ka qarsanin xaqiiqooyinka ka jira Somaliland isla markaana si dhaw indhaha loogu hayo cadaawada aan qarsashada lahayn ee dawladaas Xamar ula soo badheedhay bulshada Somaliland iyo dawladnimaadoodaba.

Allaa Mahad Leh

Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warfaafinta iyo xidhiidhka Dadweynaha JSL

COMMENTS
Latest News