dhaymoolenews.com
Dayax-gacmeed ay saarnaayeen cirbixiyeeno Ruushka u dhashay Oo Ay cillad Qabsatay
October 11, 2018 - Written by wariye999

Dayax-gacmeed ay saarnaayeen cirbixiyeeno Ruushka u dhashay ayay cillad ku qabsatay hawada sare sida ay tabinayso warbaahinta Ruushka, balse dadkii saarnaa ayaa ka badbaaday.Waxaa la sheegay in shaqaalahan ay dayax-gacmeedka kaga soo baxsadeen qalab yar oo loogu talogalay, kaas oo si nabdoon dhulkaugu soo celiyay.

Labada cirbixiyeen oo kala ah Alexey Oychinin oo Ruushka u dhashay iyo Nick Hague oo Maraykanka u dhashay ayaa la sheegay in ay bad qabaan sida ay sheegtay wakaaladda cirbixiyeenada Maraykanka ee NASA

Gantaalkii ay saarnaayeen oo lagu magacaabo Soyuz ayaa halaabay markii uu muddo 6 saacadood ah hawada kusii jiray.

Muddo 6 billood ah ayuu qorshuhu ahaa in ay soo joogaan xarunta dayax-gacmeedyada adduunka si ay uga shaqeeyaan cilmi-baaris seyniseed iyo hawlo kale.

Xigasho BBC Somali

 

COMMENTS
Latest News