dhaymoolenews.com
Maareeyaha Cusub Ee Madbacada Qaranka Somaliland Oo Maanta Xilkii-kala Wareegay Maareeyhii hore
January 20, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Somaliland Mudane Maxamuud Raage Ibraahim ee uu dhawaan madaxwaynahu soo magacaabay  ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay maareeyihii hore siciid Saalax Shire

Xaflad aad u bilan oo lagu qabtay hoolka madbacadda qaranka kana soo qayb galeen wasiiro gudoomiyaha gobolka maroodi jeex hantidhawrka guud ee qaranka xildhibaano masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf aad u badan

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen wasiiro ka tirsan xukumadda badhasaabka gobolka maroodi jeex madaxdhaqameed iyo marti sharaf kale iyo waliba masuuliyiin ka socday Hanti dhawrka iyo xisbaadka guud ee qaran.

Waxaana ugu horeyn madashaasi hadalo kookooban ka jeediyey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha iyo Agaasimaha waxsoo saarka ee  madbacadda qaranka kuwaas oo xusay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay madbacadu qaranku tan iyo xiligii la aas aasay 1997 kii taas oo soo martay xiliyo adag

oo ku sutan 1997 taas oo uu wareegto ku soo saaray Alleh haw naxariistee Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal.

Waxa halkaasi laga sheegay doorka ay madbacada qaranku kaga jirto dawladnimadda oo ah daabicida iyo ducementiga  dawladda iyo xafidsanaantiisa maareeyhii hore ee madbacadda qaranka Mudane Siciid Saalax Shire ayaa halkaasi ku soo bandhigay sadex sanadood oo uu hayey masuuliyadda xilka madbacadda iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadaasi.

Himiladda iyo hiigsiga ay lahayd waxa uu sheegay inay madbacada qaranka ku soo kordhiyeen wax qabad la taaban karo sida mishiino cusub oo ay u soo iibiyeen iyo dib udhis ay ku sameeyeen guud ahaan madbacadda waxaana uu cadeeyey inay awood u leedahay daabicidda nooc kasta oo ay tahay

Isagoo arritaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi “waan u mahad naqayaa madaxwaynaha xilka qarankuna waa qori isu dhiib walaalkayga I badalayana waan ku soo dhawaynayaa waan amaanayaa shaqaalihii sida fiican iila soo shaqeeyey qarankuna waa uu u ogyahay waxaan filayaa inay sidaasi si ka wanaagsan ula shaqayndoonaan maareeyaha cusub .

Madbacadda qaranku waa halbawleh aanay la,aanteed aanay dawladu waxba qaban Karin waana mid ka mid ah tiirarka ugu wayn ee dhismaha qaranka.

Waxaana iyaguna halkaasi hadalo iskugu jira duco iyo dardaaran ka soo jeediyey maareeyey ku xigeenka madbacadda qaranka iyo wasiirka wasaaradda ciyaaraha iyo waliba badhasaabka gobolka maroodi jeex iyagoo dhammaantood u duceeyey maareeyihii hore dardaarana faray maareeyaha cusub in ILLAAHAY xilka ku asturo

Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka oo isaguna madashaasi uu xilka kula wareegayey hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “kolay war iguma seegana oo tan iyo intii lay magacaabay waxaan warsanayey masuuliyiintii kala dambeeyey ee soo maray madbacadda hal maalin xataa kii ka soo shaqeeyey si aan uga korodhsado waxay madbacadu u baahantahay halkee u baahan gufayn xidhiidhadaas ayaan la soo sameeyey qaarkood si looga gudbo haday jiraan carqalado ka hor yimid,madbacadu waajibaadbay qaranka u xil saran tahay waxaa la rabaa inaynu sideeda uga soo baxno Shaqaalaha waxaan leeyahay shaqo ayaa inoo dhex ah oo inaga dhaxayneysa waxa iigu way nee iigu warar badnaa waxa uu ahaa shaqaalaha oo aan helin xaqii ay lahaayeen

Madaxwaynuhu hore ayuu u balan qaaday in kaabayaasha wax soosaarka dawlada uu wax ka qabanayo isha allaah xukumadu waxaan rajaynayaa inay wax wayn inala qabato oo ay inala dhisto,halkan maanta siyaasad kagama hadlayno waayo laynooma dirinba

Masuuliyaduna waa wax wayn oo marka lagu saaro maaha in lagu qurxiyey waa imtixaan lagugu eegaayo Aakhro iyo aduunba Alleh haynagu asturo dhammaanteen

Guntii iyo gabagabadii waxay labada masuul si rasmi ah ula kala wareegeen xilkii

 

 

halkan ka daawo

COMMENTS
Latest News