dhaymoolenews.com
Cuntooyin looga baahan yahay Hooyada Uurka Leh
August 4, 2014 - Written by admin

Hooyada uurka leh oo qaadata cunooyinka wanaagsan, ayaa u wanaagsan ilmaha uurka ku jira iyo iyadaba sida ay cadeeyeen aqoonyahano ka tirsan midawga Yurub.   Saynisyahanada ayaa waxaa ay sheegeen in caruurta uurka ku jirta ay dhibaato soo gaadhi karto haddii hooyadu qaadato raashin aan loo baahnayn.

Seynisyahanadan ayaa sidoo kale waxay tilmaameen in koriinka ilmaha uurka ku jira iyo caafimaad qabkiisuba ay ku xidhan tahay xananeynta hooyada iyo waxyaabaha ay qaadato.

 

Waxa kale oo ay daraasadu sheegtay in cuntada aan isu dheelitrayn hooyada uu keeni karto wadno xanuun.

Cilmi baadhayaashan ayaa waxaa ay ku taliyeen hooyada uurka leh in ay qaadato cunooyinka ay ka mid yihiin Kalluunka, beerka, khudaarta cagaaran, liinta, digirta, Iyo beedka .

Haweenka xilliga ay uurka leeyihiin kalluunka cuna ayaa la oggaaday inay u dhaw yihiin inay dhalaan ilmo maskax badan oo bulshaawi ah.

Waxa daraasadani shaacisay in dumarka aad u isticmaala subaga noocyada kala duwan ee kalluunka sida Tuna, Sardines iyo Salmon inay dhalaan carruur maskaxdoodu aad u horumarsan tahay oo aad u caqli badan.

Dhaymoolenews.com/Hargeysa/Office

Dhaymoole999@hotmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News