dhaymoolenews.com
Astaamaha Dadka Janada
August 7, 2014 - Written by admin

Astaamaha iyo Sifooyinka janada iyo nimcooyinkeeda iyo waxa ku dhex jira ee farxad iyo naxariis ah waa kuwo aan ili arag, dhegi maqal, kuna soo dhicin qalbi banii’aadam. Haddaba waxa loo baahan yahay in taasi loo shaqaysto waxaana jira astaamo iyo calaamado uu Allah (SW) caddeeyay oo lagu garan karo qofka ehlo janah ah.

Waxaan halkan idinku soo gudbinayna qaar ka mid ah sifooyinka dadka jannada:

  1. Kuwa Illaahay ka cabsaday waxay ku dhex jiraan janooyin iyo ilo”
  2. Waa kuwa wax bixinaya markay barwaaqaysan yihiin iyo marka ay dhibaataysan yihiinba, waa kuwa cadhadooda qarsanaya, waa kuwa dadka cafinaya, illaahay waxa uu jecel yahay kuwa wanaagsan”
  3. Waa kuwa marka ay xumaan sameeyaan amba nafahooga dulmiyaan illaahay xusa danbi dhaafna waydiista, yaa danbiyada dhaafa illaahay mooyane”
  4. KUWA LAQWIGA KA JEESTA” Laqwigu waa wax kasta oo faa’iido iyo khayr toona lahayn qowl iyo ficilba kuwaasi way ka jeestaan iyagoo isticmalaya awooda go’aan qaadashadooda iyo ku adkaysashada in aanay wakhtigooda ku lumin wax aan faa’iido lahayn,
  5. “KUWA SAKADA BIXIYA”

7. “KUWA ILAALINAYA SALAADAHOODA”

Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu soo weriyay Nabigii illaahay (CSW) in uu yidhi (Ma jiro mid idinka mid ihi oo waysaysanaya waysadana dheeraynaya dabadeedna odhanayana illaahay mooyane ilaah kale ma jiro wax  cibadaadiisa la wadaagana ma jiro waxana qirayaa in nabi Maxamed (SCW) yahay adoonkiisi iyo rasuulkiisi, hadii uu sidaa yidhaado waxa loo furaa albaabada janada ee sideeda ah waxanu ka galaa albaabkuu doono).

Cismaan Binu Caafaan (RC)  waxa laga soo weriyay in uu yidhi Nabigii Illaahay (CSW) (Qofka dhisa masaajid uu ku doonayo wajiga illaahay, illaahay guri ayuu janada uga dhisaa) Waa la isku waafaqay xadiiska.

Cubaadat Binu Saamit (RC) waxa laga soo weriyay Nabigu (SCW) in uu yidhi  (Shan salaadood ayuu illaahay adoomadiisa ku faral yeelay, qofka la yimaada ee aan ka tagin salaadna, illaahay agtiisa waxa loo qoraa balan ah in uu janada galo). Xadiiskan waxa soo saaray Imaamu Axmed iyo Abu da’ud iyo Nisaa’i.

 

COMMENTS
Latest News