dhaymoolenews.com
Abaal Marinta Nacasnimada Oo la Bixiyay
September 17, 2018 - Written by wariye999

Labada nin ee Marc Mitchell and David Wartinger waxay ka mid ahaayeen 10 qof oo maalintii Khamiista 13 bishan September, 2018,  la siiyay abaalmarinta nacasnimada ah ee Nobel Prize ig. Abaalmarinta ayaa la siiyaa dadka doqomada loo yaqaan kuwaasi oo daraasadaha ay sameeyaan ku fashilma iyagoon aan soo kordhin wax cusub.  Marc Mitchell and David Wartinger waxay ku fashilmeen daraasad caafimaad oo ay isku dayayeen inay ku joojiyaan ama xal ugu helaan dhagxanta kelyaha. Waxaana ay sheegeen in leexadu ay ka saarto kelyaha dhagxanta ku jirta, taasi oo aan been noqotay.

Dadkan oo leh aqoon sare oo kala duwan ayaa abaalmarintan ku qaata fashilka madaama ay dadaaleen laakiin aanay gaadhin wax natiijo ah waxaana loo yaqaana abaalmarinta nacasnimada.

Abaalmarinta Ig Nobel Prize, waa abaalmarin si sanadle ah ay u bixiso jaamacadda Harvard oo si gaar ah u abaalmarisa cilmi-baadhista doqonnimadu ka muuqato oo aan macluumaad faa’iido lahayn soo gudbiya, waxaana si gaar ah loogu bixiyaa 10 takhasasus oo kala duwan oo kal ah caafimaadka, Suugaanta, Biology, Chemistry Prize, Anthropology Prize, Medical Education, , Nutrition Prize, Reproductive Medicine Prize.  

                          Source (improbable.com/ig/winners)

COMMENTS
Latest News