dhaymoolenews.com
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera
December 1, 2018 - Written by wariye999

Berbera(dhaymoole) Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo amba-baxay magaalada Berbera, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxana uu madaxweynuhu u degay, isla markaana qaddar wada sheekaysi ah la qaatay, lana qaxweeyey, waayeelka iyo waxgaradka qaar kamid ah deegaannada uu saaka soo maray oo soo dhaweyntiisa waddooyinka u taagnaa.

Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda oo ay hormood u yihiin maamulka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo madaxdoodu oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa iyaga oo isku duuban madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabilay bariga kaantaroolka Halleeya, waxana halkaas hadallo mahadnaq ah uga jeediyey Madaxweynaha iyo xubno kamid ah dadka magaca ku leh bulshada reer Somaliland, ka hor intii weftiga loo gelbin dhinaca gudaha caasimadda Hargeysa oo ay tubnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo ujeellan aragtida madaxweynaha.

COMMENTS
Latest News