dhaymoolenews.com
Wuxuu sharraxay hoggaaminta iyo dhaxalka siyaasadeed ee madaxda KULMIYE ka kasbadeen Madaxweyne Siilaanyo
September 12, 2017 - Written by wariye999

Murrashax Muuse Biixi oo Tilmaamay Hiigsiga iyo Hannaanka uu Doonayo inuu Dalka ku Hoggaamiyo

 

    

“Xukuumaddu waa in ay hubiso cashuurta la qaaday in aan la cunin oo inan karaani ah iyo wasiir boobin, oo aynu si cad ula dagaalanaa musuq maasuqa”

  

Hargeysa:(dhaymoole)-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu ku galayo doorashada Madaxtooyada iyo qorshihiisa uu diirada ku saari doono arrimaha horumarka iyo ammaanka dalka.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sharraxay qorshihiisa siyaasadeed ee uu ku waajihi doono arrimaha ammaanka dalka oo uu sheegay inuu siinayo muhiimadda ugu horraysa, sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga hadlay taariikhda waayo aragnimada siyaasadeed ee Madaxweynaha Axmed Siilaanyo uu leeyahay.

Guddoomiyaha oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyey xafladdii xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay barmaamij-siyaasadeedkiisa cusub ee oo xambaarsan qorshaha shanta sannadood ee soo socda, waxaanu hadalkiisi u bilaabay “Marka ugu horraysa waxaan salaamayaa oo u mahadnaqaynaa oo aannu u ducaynaynaa asaasaha xisbiga KULMIYE, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo ka badan afartan sanno naftiisa iyo xoogiisaba u huray  sidii uu u dhisi lahaa qarankan Somaliland oo dalkiisa horumar u gaadhsiin lahaa, aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, qarankiisuna abaalkas wuu u ogyahay dadka reer Somaliland-na abaalkaa way u ogtahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sannadkii 1964-kii isaga oo dhallinyaro ah ayuu agaasime ka noqday Wasaaraddii Qorshaynta ee dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo cilmiga dhaqaalaha shahaadada Mester-ta ka soo qaatay Jaamacadda London,  sannadkii 1971-kii waxa uu noqday Wasiirradii marksii Siyaad Barre dalka qabsaday kuwii uu aqoonta ku xushay ee afartii sannadood ee u horreeyay Kacaankii la eeday, markii dambe hore u qaaday ee sameeyay qorshihii afartii sanno ee ugu horreeyay uu wax ku dhisay Siyaad Barre, magac ayuu Siilaanyo kula baxay halkaa, Siyaad Barre wuxuu odhan jiray Siilaanyooy qiimaynta daraasadaada igala tag (Feasibility Study), waxa uu noqday Wasiirkii Qorshaynta, marna Wasiirkii Ganacsiga.

Axmed Siilaanyo, sannadkii 1981-kii waxa uu xogagaal u noqday Siyaad Barre iyo siyaasadiisa uu waddo, in qaranka la duminayo, gaar ahaan in Somaliland lagu soo wado dagaal ballaadhan, waxa uu ahaa raggii dalka ka baxay si ay qoriga u qaataan oo ay u xorreeyaan Somaliland, waxaannu ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ururkii SNM, laga bilaabo sannadkii 1981-kii, ilaa maantadadaa aynu joognana halgan qaran iyo dhismaha qaranka ayuu u soo taagnaa, taariikhda ayaana xusi doonta, sannadkii 2002-kii wuxuu aasaasay xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE oo uu ahaa ninkii bud-dhigiisa bisinka u qabtay xisbigaa KULMIYE, ilaa maantana waa odaygiisii, inta kalena waa la ogyahay, mar uu mucaarid ahaa iyo mar uu siddeetan cod kaga tagay doorasho, si uu qaranka Somaliland u badbaadiyo.”

“Axmed Siilaanyo maxaa lagu xusi doonaa, Siilaanyo taariikhda dhawr shay ayuu ku leeyahay, waxaa lagu xusi doonaa waa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ururkii SNM, isaga oo xilkana si caadi ah uga degay ee aan doorasho lagaga helin, Siilaanyo waxa lagu xusi doonaa waa siyaasiga qudha ee dadka afka Soomaaliga ku hadla ee xisbi abuuray ee xisbigiisii oo dhisan ku wareejiyay da’yartii ku xigtay oo xilka uga digay, taariikhdaas waxa ku weheliya Nelson Mandela oo keliya qaaradda Africa oo uu koobkaa la wadaagaa.

Madaxweyne Siillaanyo waxa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa murrashaxii madaxweyne ee qorshe la taaban karo ama barmaamij qaran ah dadka soo hordhigay ee yidhi kaas ha la igu doorto ee boqolkiiba 90% in ka badan hirgeliyay, Axmed Siilaanyo waxa lagu xusi doonaa waa murrashaxii Afrika ee 80% cod kaga tagay Madaxweynenimo, ammaan iyo guulwadayna maaha ee waa taariikh cad oo qoran.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE sharaxay qorshaha iyo barnaamijka siyaasadeedka xisbiga, waxaannu tilmaamay himaladiisu ay tahay in barnaamijkaa qoraalka ah laga dhigo wax la fuliyay oo  la qabtay, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Maanta waxaynu u fadhinaa daah-furka barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE kaas oo ah kii shanta sannadood ee soo socda lagu dhaqi lahaa dalka, barnaamijkaasi waxa uu la socdaa oo uu la aragti yahay kii ka horreeyay ee sannadkii 2010-kii, barnaamij wanaagsan oo qurux badan waa la qori karaa, laakiin hirgelintiisa ayaa adag, maanta murashax ahaan waxaannu ballanqaadaynaa in aannu dedaal xoog badan u galno in barnaamijkaa qoraalka ah laga dhigo wax la fuliyay oo la taaban karo ee aannu noqon warqad meel iska taala.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay inay ku dayan doonaan hab-dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweynaha Somaliland, “Waxaannu ku dadaalaynaa oo murashax ahaan aannu raaci doonaa dariiqii Madaxweyanaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, qodobada aannu kaga dayan doonana waxa ka mid ah, dadka murashaxiinta ah qaarkood xilka waxay u doontaan inay ku helaan magac ku hel, mansab ku hel, dhaqaale ku hel ama awood ku hel, waxa aannu madaxtinimada u doonaynaa intaa midna maaha, waxaannu ku soconaa aragtidii soddonka sanno lagu soo socday ee halganka ahayd ee ahayd dalkaaga wax u tar oo dalkaaga wax u dhis oo taariikhda wax ku gal.”

Guddoomiyuhu waxa uu sharaxaad ka bixiyay qodobada uu ka kooban yahay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE soo bandhigay, waxaanu yidhi “Barnaamijka qodobadiisa marka aynu hoos ugu daadagno waxaynu ugu horraysiinaynaa amniga, haddii aan dalka amnigiisa la sugin horumar dhici maayo, jaamacadana la dhisi maayo, dhaqaale iyo shirkado waawaynna la abuuri maayo haddii aanu amni jirin, si taa loo hirgeliyo waxaynu kow ka dhigaynaa amaanka, in aynu difaaca dalka adkayno oo aynu ciidanka qaranka mudnaanta koobaad siino, hadday tahay miisaaniyad loo kordhiyo, tababarro la siiyo, hadday tahay qalab iyo hadday tahay horumar loo sameeyo, in ay ciidamadu noqdaan kuwo muunad ah, sababtoo ah dadka badankoodu ma kari karaan in aad naftaada u hurto in uu ka kale noolaado, iminkak haddii halkaa Libaax inooga soo galo ama cadaw ka soo galo, inta dirayska sidata ayaa xabadda isu dhigaysa si aynu inagu u badbaadno, markaa waxay inaga mudan yihiin in aynu ixtiraamno iyaga iyo caruurtoodaba. Anigu odhan maayo sida dadka qaarkood waligay xabad ma ridin askarina may ihi murashaxna waan doonayaa, waxaynu raacinaynaa ciidamada amaanka ee gudaha Boolis ilaa sirdoonka qaranku ay kow ka yihiin, qof kasta haddii gurigiisa tuug u soo dhaco ama ay masiibo kale qabsato, markiiba telefoon buu qabsanayaa oo wuxuu odhanayaa Booliskii mee, waxaa laga yaabaa ninka jananka ah ee Booliska haysta iyo kuwa ka hooseeya ee la shaqeeya in aanu mar qudha telefoonkoodu damin 24-kii saacadood, waxa laga yaabaa in habeenkii afar jeer ilaa shan jeer hurdada laga kiciyo, waxaa hubaal ah nimankaa dirayska madaw sita, noloshooda soo kac iyo soo orod iyo qaylo mooyaane aanay maqal wax dhegtaasi ku nasato, oo ah waxaas ayaa wanaagsan, cidina waxa wanaagsan Booliska uma sheegto, kuwaasna waynu u mahad naqaynaa waxaanay inaga mudan yihiin mudnaanta koobaad.

Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay qodobada ku salaysan horumarka dalka ee ka midka ah barnaamijkan siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Markaynu nabada sugno ayaynu u soo daadagaynaa horumarka, halkaynu ka bilaabaynaa horumarka, waxaynu u baahannahay in aynu dadka maskaxahooda u soo jeedino is aaminaad iyo wax wada qabsi iyo wax isku darsi, dhisi kari mayno dhaqaale, haddii falsafad kasta iyo caqli kasta la inoo keeno, haddii aanu dadku is aaminaynin oo aanay wax isku darsanaynin, oo ka Ceerigaabo jooga iyo ka Boorame joogaa aanay wax wada lahaan karin iyaga oo reer Somaliland ah oo sharciga wadaagaya, horumarimayno inaga oo u kala qoqoban gobol gobol iyo qolo qolo, si aynu amaanka u adkayno waxaynu u baahannahay in aynu hubka fufud xakamayno, qoryo ayaa la wada sitaa, labada isku qabsada ijaar ama barkad baan dhisanayaa boqolaal baa ku dhinta, markaasaa reero isku dilaan, markaad waydiiso maxaad dadka u laysay wuxuu ku odhanayaa halkan ayay qodanayeen, waxaynu u baahannahay haddaynu dhaqaale abuurayno in aynu xakamayno hubka yar yar ee qof waliba iska sito, ma abuuri karno dhaqaale iyada oo kii xanaaqaaba qori la soo baxayo, ma macquul baa, waxaynu horumaraynaa marka aynu isla fahanno in aynu cashuurta tahay ta hore loogu maro, macquul maaha cashuur bixin maayo habeenkiina waxaan doonayaa boolis ii soo gurmada, cashuurtu waa in ay noqotaa wax loo siman yahay, oo ninka xoolaha haystana laga qaadaa cashuurta ka aan waxba haysana la siiyo.

Waxaa loo baahan yahay in xukuumaddu cashuurta ay qaaday in la ogaado in aan la cunin oo inan yar oo karaani ahi boobin oo wasiir boobin, waa in xukuumadda joogtaa ay hubisaa in hantida ummadu ay gacan aamin ah gashay, sababtoo ah haddii cashuurtu gacan aamin ah galiwaydo oo ay dadku arkaan in cashuurtii laga qaaday uu arko in rag u isticaalayo danihiisa gaarka ah, dadku cashuurta bixin maayaan, taasi waxay noqonaysaa tiirka koobaad ee ah in aynu si cad ula dagaalano musuq maasuqa.”

Guddoomiyaha Muuse waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda xisbiga KULMIYE ee ku aadar arrimaa garsoorka iyo caddaallada, waxaanu yidhi “Musuqu maaha lacagta oo qudha, maamulka ayuu ku jiraa in lagala dagaalamo, inanka jaacamadda dhigta ee ku baxa darajada koobaad, hadduu ka wer werayo in aanu darajiida ku meel maraynin oo imtixaanka cidda qaadaysaa ay qof kale u eexanayso qaranku dhismi maayo dhaqaalena heli mayno, arrinta waa in aynu gaadhsiino in aynu ka dagaalano garabsiinta oo dhacda inankan meel ii gee. Qodobka labaad ee aynu horumar ku gaadhayno waa caddaalada haddii aad qabto xaakinkaa aad u tagaysaa in uu kaa eexanayo oo reer hebel yahay, waa dhibaato ah in aynaan is aamini karayn oo aynaan wax wada yeelan karaynin, waxaynu ka haw-galaynaa in xaakimiinta iyo garsoorka aad loo daryeelo oo baahi u geyso in ay xukumaan  khalad, marka labaadna waxaynu la safanaynaa marka xaakinku uu xukumo caddaalad, waxaa barnaamijkaa inoogu in aynu hirgelino garsoor la wada aamini karo oo aynu ku wada dhaqmi karno.”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu si hufan u sharaxay waayo-aragnimada siyaasadeed ee murashaxiinta xisbiga KULMIYE dheeryahay murashaxiinta xisbiyada Mucaaridka ah, waxaanu yidhi “Xisbiyo badan baa tartamaya, xisiga KULMIYE waxa buu dheer yahay xisbiyada kale, murashaxiinta Kulmiyena wax bay dheer yihiin murashaxiinta kale, dhawr iyo toban sanno oo uu mucaarid soo ahaa oo muxaafid soo ahaa, waxyaabo badan oo uu soo qabtay la arkay, KULMIYE wuxuu leeyahay waalid ilaaliya oo ka qabta kaladka, aasaasihii baa xaga dambe taagan oo saxaya, xisbiyada kalena ma laha.

Xisbiga KULLMIYE wuxuu soo dhamaystay rafaadka iyo xumadda siyaasada, khilaafaad iyo tartan baa dhexdiisa galay, mar walba wuxuu ka baxaa tartan adag oo gudihiisa ah iyo wada-jir marka go’aanku dhaco ah, waxaad ogtihiin tartanka KULMYE dhexdiida afar murashax baa ku tartamay murashaxnimada xisbiga, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) iyo Maxamed Biixi Yoonis iyo aniga, waxaa xaqiiqo noqotay ninkii Kulmiye ahaa markii laga horjoogsaday wixii uu doonayay in uu ka sii mid ahaaday xisbigiisi, ninkii waageeni ku ahaana KULMIYE in uu u hogaansami waayo xisbiga, waa kee xisbiga kale ee tijaabada intaa leeg ka baxay waa kee.”

“Murashaxiinta KULMIYE wax bay dheer yihiin murashaxiinta kale, Madaxweyne ku xigeenka hadda oo murashax ah, wuxuu dheeryahay murashaxiinta kale, todoba sannadood ayuu ahaa ardayga madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo uu maamulka ku soo jiray iyo ilaa maalintii xisbiga la asaasay, waayo aragnimadeedii ayuu leeyahay oo kuwa kale aanay lahayn.

Saddexda murashax madaxweyne, labada murashax ee kale Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, labada nin ba waa laba oday oo mudakariin ah oo qiimo leh, waxaan dheerahay iyagu waxay iga badiyaan Filand iyo Ruushka, ana waxaan dheerahay oo aan ka badiyaa Tuulooyinka, Geela, Lo’da, Miyiga, Magaalooyinka iyo dalka wixii loo soo maray, waxaan ku soo koobayaa oo aan ugu mahad naqayaa haween waynaha xisbiga KULMIYE, oo qiimo wayn ku leh xisbiga isla markaana hawl adag u qabta xisbiga xiliga ololaha iyo sida ay xisbiga KULMIYE ugu shaqeeyaan sidii uu u soo bixi lahaa.”

 

 

DAAWO MUUQAALKA KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA

https://www.youtube.com/watch?v=sLlQQ8tgKeg&t=10s

 

COMMENTS
Latest News