dhaymoolenews.com
Salaxlay: Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Cadeeyey Farqiga U Dhexeeya Waddani Iyo Kulmiye,
September 12, 2017 - Written by wariye999

“Somaliland Siyaasada Uu Ku Dhaqayo Xisbiga Waddani Waxa Weeyi In La Abuuro Somaliland La Wada Leeyahay, Kulmiye Markii Uu Galbeed Joogay Hada Waxa Uu Yidhi Asxaabta Kale Waa Ku Marti, Taa Macnaheedu Waxa Weeyi Lama Wada Laha Somaliland” Musharax Cabdiraxmaan Ciro 

“Waxaan Rumaysanahay In Kulmiye Aan Laga Lahayn Laascaanood, Oodweyne Iyo Burco, Waxaan Rumaysnahay Inaan Cod Badan Ka Helayo Oo Taageero Badan Ka Helayo Gobolka Gabiley Iyo Gobolka Awdal Martina Kuma Ihi” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Salaxlay,(dhaymoole) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sheegay in farqiga u dhexeeya ee ay ku kala duwan yihiin xisbiga Kulmiye ee uu doonayo in shacbigu ay ogaadaan ay tahay in xisbiga Waddani uu aaminsan yahay Siyaasad ah Somaliland la wada leeyahay oon la kala lahayn, lana kala sheegan karin, balse xisbiga Kulmiye uu aaminsan yahay in xisbiyada Mucaaridku ay marti ku yihiin galbeedka Somaliland.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu intaa ku daray inuu rumaysan yahay inuu cod iyo taageero badan uu ka helayo gobolada Gabiley iyo Awdal oo aanu marti ku noqon karin.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sidaasi sheegay hadal uu u jeediyey taageerayaal iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee degmada Salaxlay oo maanta ku soo biiray xisbiga Waddani, iyagoo ka soo digarogtay xisbiga Kulmiye.

Waxaanu intaasi ku daray in Xisbiga Kulmiye markii uu safarka ku marayey gobolada Galbeedka uu sheegay in xisbiyada Mucaaridku ay marti ku yihiin gobolada Galbeedka taana macnaheedu uu yahay in Kulmiye uu aaminsan yahay in Somaliland la kala leeyahay.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa intaa ku daray in Xisbigooda Waddani uu rumaysan yahay in Kulmiye aan laga lahayn, Laascaanood, Oodweyne iyo Burco toona oo Somaliland la wada leeyahay.

Musharaxa xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro oo khudbadaasi u jeediyey shacabka iyo taageerayasha xisbiga Waddani ee degmada Salaxlay ayaa waxa uu yidhi “Dhamaan Shacbiga degmada Salaxlay siday u dhan yihiin, waxaanu uga mahadnaqaynaa sida milgaha leh ee maamuuska leh ee aad noo soo dhaweyseen ayaanu idiinka mahadnaqaynaa, waxaan intaa ii raaca oo aan aad ugu mahadnaqayaa dadkii hawshaasi ka qayb qaatay ee abaabulkaa ka qayb qaatayna waan u mahadnaqayaa.

Maanta waxa xaflada iyo munaasibadaba iska lahaa xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Salaxlayo, anaguna waxaanu u nimid olole kale umaanaan imane inaanu kala qayb qaadano ku soo biiristooda ay xisbiga Waddani ku soo biirayeen, munaasibadaa weyn ayaanu uga nimid Hargeysa si aanu uga qayb galno.

Degmo kasta codkeeda waynu ka war haynaayoo waxa uu ku yimaadaa dadka iyaga matalaya, codka Salaxlay dhamaantii waxa ka Wakiil ah Golaha Deegaanka Salaxlay, haday Sagaal xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Salaxlay ay maanta ku soo biireen xisbiga Waddani intii kalena soo socoto, waxaad garanaysaan shacbiga ay matalaan oo ah dhamaan shacbiga degmadan ku nool oo taageeradoodii ay u soo badaleen kuna taageerayaan xisbiga Waddani, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaan ka rajaynayaa in codkoodaasi iyo taageeradoodaasi uu sabab u noqdo guusha xisbiga Waddani hadii Alle yidhaahdo.

Aasaasayaashii UCID baan ka mid ahaayoo, barigii aanu soo baxaynay golihii deegaanka ee 2002-dii, dagmadii ugu badnay ee codka siisay degmadan ayay ahayd, markaa waxa la yidhi Geelaa codeeyey barigaas, maanta Geela iyo Adhiguba way codaynayaan hadii alle ka dhigo.

Laba Eray ayaan doonayaa inaan ka idhaahdo safarkii Kulmiye ee Galbeedka, hal wax ayaanu ku kala duwanahay Kulmiye shacbigu ha noo ogaado, Somaliland Siyaasada uu ku dhaqayo xisbiga Waddani waxa weeyi in la abuuro Somaliland la wada leeyahay, Xisbiga Kulmiye markii Galbeed joogay hada waxa uu yidhi ‘Asxaabta kale waa ku marti, taa macnaheedu waxa weeyi lama wada lahaa.

Markaa Waxaan filayaa dhulka Somaliland intiisa badani boqolkiiba sideetan baribay Hargeysa ka xigaan, laakiin waxaanu anagu rumaysanahay in dhulka la wada leeyahay, waxaanu rumaysanahay in Kulmiye aan laga lahayn Laascaanood, Oodweyne iyo Burco, waxaan rumaysnahay inaan cod badan ka helayo oo taageero badan ka helayo Gobolka Gabiley iyo Gobolka Awdal martina kuma ihi.

Waxa kale oo la yaab lahayd in ragii Madaxda ahaa ee halkaa ka hadalayey ay aad u hadal hayeen xildhibaanadan deegaankan ka soo jeedaa ee ku soo biiray xisbiga Waddani, iyagoo xildhibaano aan deegaanka aan ka soo jeedo ay la socdaan, ay lahaayeen inamadii halkan naga tahay iyo hebel iyo hebel way anbadeenoo kale, hada waxa dhinac socday Cawil iyo Cali Warancade iyo Cadaani, malaha kuwaas may eegin, kuwaasi ayay lahaayeen inay soo anbadeen ayay laftigooda u sheegayeen.

Laakiin waxaan u sheegayaa kuwa kulmiye tagayna waanu ku hambalyeynaynaa, waxaanu rabnaa oo Somaliland aanu la rabnaa inay noqoto Somaliland la wada leeyahay, Somaliland aan la kala sheegan karin, Somaliland xilalkeeda la wada leeyahay.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

https://www.youtube.com/watch?v=v8CjzOl6L80

 

COMMENTS
Latest News