dhaymoolenews.com
Maayarkii Hore Ee Berbera Cabdalle Sandheere Oo Cadeeyey Inuu Ku Biirayo Xisbiga Waddani, Baaqna U Diray Taageerayaashiisa
September 12, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa,(dhaymoole)– Xildhibaan, Cabdalle Maxamuud Carab (Cabdalla Sandheere) oo hore u soo noqday maayarka magaalada Berbera ayaa sheegay inuu taageeradiisa iyo cududiisa uu ku biirinayo xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Xildhibaan Cabdalle Sandheere ayaa intaa ku daray in isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku biirayaan xisbiga Waddani, isla markaana aanu ka hor dhacayn maalinta xaflada ee ay ku biirayaan xisbiga Waddani, balse uu u cadaynayo taageerayaashiisa inuu ka mid noqonay siyaasiyiinta xisbiga Waddani.

Xildhibaanku isagoo arintaasi si kooban uga hadlaya ayaa waxa uu yidhi  “Waxaan jecelahay inaan maanta cadeeyo mawqifkayga siyaasadeed, maadaama oo mudo badan warar la isla dhex marayey. Waxaan idiin sheegayaa inaan dhawaan ku biiraayo xisbiga Waddani hadii Alle yidhaahdo.

Asxaabtayda, Taageerayaashayda ayaan sii ogaysiinayaa inaan mawqifkaasi siyaasadeed aan qaatay, wixii hadal ah eek u saabsan sababta iyo asbaabta, waxaan dib ugu dhiganayaa maalinta xaflada.

Siyaasiyiin badani way jiraan balse horta waxaan doonayaa uun inaan ka hadlo inaan anigu cadeeyo mawqifkayga laakiin taasi waxa aad arki doontaan maalinta aan wareegayo asxaabta faraha badan leh iyo siyaasiyiinta faraha badan leh ee aanu ka wada tirsanahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdalla Sandheere, Maayarkii hore ee magaalada Berbera oo cadeeyey inuu xisbiga Waddani ku biirayo.

 

COMMENTS
Latest News