dhaymoolenews.com
Masaajid ku yaala Hargeysa oo Lagu Soo Gabogabeeyay Tafsiirka Quraanka
September 10, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa(Dhaymoole):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa soo gabogabeeyay tafsiirka quraanka kariimka oo ka socday masaajid ku yaalla Hargeysa.

 

 

Xaflad lagu gunaanadayay   Tafsiirka Qur’aanka Kariimka oo ka socdat muddo sannad iyo dhawr bilood ah  Masjid Al-AS-HAR ee Xaaji Daa’uud ee caasimadda Hargeysa oo uu marin jiray  Sheekh Muxumed Axmed Ismaaciil Awliyo kuna xidhnaayeen arday aad u badan oo ku dhaqan caasimadda Hargeysa,ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil Cabdilaahi,Wasiirkii hore ee Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed,Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Aadan Siiro iyo  sheekha Tafsiirka  ka jeedinayay Masjidka iyo dadkii ka marsan jiray ee mudadaa salandka iyo dheeraadka ah sida tooska ah ula socday casharada tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah.

 

Wasiir Khaliil oo  hadal kooban ka jeediyay munaasinada loo sameeyay xidhitaanka dhamaystirka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ayaa ku dheeraaday sida  dalka Somaliland dawlad ahaan iyo dad ahaanba ay markasta u dhiiri gelinayaan barashada diinta Islaamka iyo Kitaabka ALLE waxaanu intaa ku daray in Somaliland sida diinta loogu bartaa in aanay caalamka Islaamka iyo dalal badan oo kale oo Muslim ah in aanay ja suura geli karin in Masjid kasta uu ka socdo Tafsiirka Qur’aanku oo ay culimada dalalkaasi aanay jeedin karin Tafsiirka haddii aanay ahayn shaqaale dawladda ka socda.

Waxaanu intaa raaciyay in qofku inta uu  u jiro ama sida  loogu kala dhaw yahay ku xidhnaanta Qur’aanka Kariimka ah in ALLE  loogu kala dhaw yahay,waxaanu yidhi. “Waxany ALLE ugu mahad naqaynaa inuu isugu keen keenay in aynu soo xidhno munaasibad la isugu yimaado mid ka mid ah tii ugu qiimaha badnayd oo ah xidhitaanka  Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ee Masjidkan ku soo gaba gaboobay waxaanan ALLE uga baryayaa in uu sheekha  ka abaal mariyo oo uu miisaankiisa xasanaadka ugu daro waxaa  kale oo ALLE ka baryaynaa dhammaanteen in uu inagu wada anfaco waxa loo nool yahay waa in ALLE la raali galiyo oo amarkiisa la qaato taasina waxay ku imanaysaa in aynu kitaabkeena barano waxaynu haysanaa xorriyad aad u wanaagsan oo aynu ku baran karno diinteena suubban dunida Islaamka  dalalka kale oo dhan kama dhacdo in Masjid Tafsiir laga jeediyo oo sheikh kastaaba meel ka jeedin karo laakiin ALLE ayaan ugu mahad naqaynaa in Masjid kasta oo dalkeena ka mid ah in six or ah looga barto Diinteena iyadoo dadka kalena ay kala socdaan labadeena Iyaadacood ee Radyaw Hargeysa iyo Idaacada Quraanka oo dalka oo dhan laga wada dhegaysto, qofkuna intuu kitaabka Quraanka ah  u jiro ama ugu xidhan yahay ayuu ALLE  u jiraa.”

Waxaa kale oo halkaa ka hadlay wasiirkii hore ee Diinta Sheekh Suufi iyo Sheekha Tafsiirka soo gunaanaday iyo Sheekh Aadan Siiro oo dhammaantood ka hadlay ahmiyadda ay ummadda u leedahay in ay bartaan Kitaabka ALLE iyo Tafsiirkiisa oo ah ka lagu badbaadayo if iyo aakhiraba.

COMMENTS
Latest News