dhaymoolenews.com
Saddexda Xisbi oo Balanqaaday Inay ka Qaybgalayaan Dood Qaran
September 9, 2017 - Written by wariye999

Hargeysa-(Dhaymoole):- Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE & WADANNI ayaa la sheegay inay ballan-qaadeen ka qaybgalka Dood Qaran oo kooxda Dhiirigelinta (Inspire Group) lagu magacaabo qabanqaabadeeda waddaan.

Kulan oo shalay galab Kooxda Dhiirigelinta (Inspire Group) ku qabteen xarunta Makhtabada Somaliland ee Hargeysa, kana soo qaybgaleen dadweyne kala duwan oo dhallinyaro u badan ayay kaga hadleen ujeeddada ay u qabanayaan iyo natiijada ay doonayaan inay ka soo baxdo.

Mr. Cabdirashiid Ibraahim oo ka hadlayey kooxdan,  ayaa sheegay inay hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ka heleen qoraalo ay kalsooni ku siinayaan ka soo qaybgalkooda dooda qaran, isla markaana  uu soo magacaabay xisbi waliba laba xubnood oo  hawsha qabanqaabada ka qayb qaadanaya.

 

Mr. Cabdirashiid wuxuu intaas ku daray   in ujeeddada doodani  tahay inay abuurto kalsooni bulshadu ku kala doorato barnaamijyada ololaha doorashada ee saddexda xisbi, si ay codkooda u siiyaan xisbiga ay ku qancaan barnaamijkiisa.

Dooda Qaran oo ayey sheegeen kooxda qabanqaabadu  in lagu kala qaban doono gobollada dalka qaarkood, isla markaana ay haggi doonaan aqoonyahanno   ka madax-bannaan siyaasadaha xisbiyada dalka. Waxaanay intaas ku dareen  in wakhtiga ay qabsoomayso wadajir u go’aamin doonaan Guddoomiyeyaasha axsaabta qaranku.

Dhinaca kale, bulshadii ka soo qaybgashay kulankaas,  ayaa fikradahooda siyaabo  kala duwan ugu soo bandhigay, sida qof walba u xiisaynayo inay u dhacdo Dooda Qaran.

COMMENTS
Latest News