dhaymoolenews.com
Guddoomiye Muuse Biixi oo Himiladii SNM ku Fasiray inay Ahayd Caddaalad ka Tis-qaada Somaliland
September 9, 2017 - Written by wariye999

Gabiley (Dhaymoole)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee  KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiisu u taagan yahay xaqiijinta himiladii ururkii SNM, ee dagaalka adag la galay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, taas oo uu sheegay in ay ku salaysnayd sidii ummaddu ay u heli lahayd caddaalad buuxda iyo sinaan.

Muuse Biixi waxa kaloo uu sheegay in ujeeddada iyo himilooyinkii ay ururkii SNM u dagaalamay ay ka mid ahayd sidii loo midayn lahaa ummadda reer Somaliland, loogana dulqaadi lahaa cadaadiskii iyo dulmigii xilligaasi jiray, isla markaana ay si siman talada dalka uga wada qayb qaadan lahaayeen inanka  jooga Badhan iyo ka  ku nool  Saylac.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sidaasi ka sheegay khudbado kala duwan oo uu  ka jeediyay deegaannada Geed-ballaadh iyo Idhinka ee goboka Gabiley, waxaannu is barbar dhigay duruufihii nololeed ee deegaanadan ka jiray soddon sanno ka hor iyo xaaladda barwaaqada ah ee ay maanta ku sugan yihiin, waxaannu yidhi “Halkani waa Idhankii, soddon sanno ku dhawaad, 1988-kii, bishii November, wixii noolaa ee carigan joogay wixii halkan ka dhacay wuu ogyahay, halkani waxa weeye halkii maalintii u dambaysay dagaalka aanu ku soo ururnay anaga oo mayd iyo dhaawac ba sidana, iyada oo aanay jirin guri qudha oo ka dhisan ee la wada gubay dalka oo dhan, ILLAAHAY baa farxadda igu simay maanta intiinaas oo sidaa u faraxsan, roobka, barwaaqada, iyo deegaanka aan soo maray oo la wada degen yahay, iyo caruurta ciyaaraysa, dhalinyarada quruxda badan iyo odayaashiina gadhka casaystay, ILLAAHA labadaa xaalo nagu simay ayaa mahad leh.”

Muuse waxa uu tilmaamay in bulshada reer Somaliland ay maanta ku jirto xaalad nololeed oo aad u wanaagsan, isla markaana ay ku naaloonayaan nabadgelyo iyo horumar, waxaanu yidhi “ILLAAHAY aayaa sidaa u bedela ayaamaha, isaga ayaynu u mahad naqaynaa, halkaas oo guri qudha oo taagani aanu jirin oo xitaa ooda la gubay, oo meel aad dhaawaca dhigato, meel aad biyo ka cabto iyo cid mayda kula aasta aanaan midna haynin ayaa shalay ahayd. Maanta waxaynu doonaynaa doorasho, cod, dawlad dhisasho iyo horumar, dhalinyarada waxaan leeyahay idinku waxaad gelaysaan halgankii kale, halgankii waxbarashada, horumarka, midnmada iyo kii qatan dhiska oo ka hawl badan kii xabada, waxaa la idinka doonayaa dhalinyaraddiinaa wax baranaysa ee wiilal iyo gabdhaba leh ee jaaniskan heshay in ay noqdaan kuwo dalkooda iyo dadkoodaba u hura naftooda oo qarankooda qalinkooda ugu hiiliya oo bari illaa galbeed horumarkiisa ka fikira, in aad noqotaan kuwo aan niyad jabin oo aan tahriib ku carara ee aad noqotaan kuwo qarankan ugu hiiliya qalinkooda, waxaan idinka doonayaa in aad dhistaan qaranka, taariikhda haddii la ilaawo waa la lumaa, dhalinyarooy waxaanu doonaynaa in aanu idinku wareejino xilkaas oo aad halkaa ka sii qaadaan.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sharraxaad ka bixiyay waayihii qadhaadhaa ee ka soo maray deegaanka Geed-ballaadh, wakhtigii uu ku jiray halkagnkii ururkii SNM, waxaanu yidhi “Halkani waa meeshii taariikhdii halganku ay ka bilaabantay, aniga oo dhalinyaro ah oo Maraykan ka imi oo qiiro i soo qaaday ayaan halkan imi, iyada oo ciidamo inta ay habeenkii is khilaafeen, oo mudaharaadeen oo ay nin iska dileen, ayaan soo galay, ana milatari baan ahaayoo amar qaado iyo digtoonow mooyaane maan aqoon jabhadaha, markaan soo galay bay yidhaahdeen muxuu ahaa inankan yare cade buurane soo socdaa, habeenkaa laga bilaabo dhawr bilood ayaanu wada joognay godkaas, halkaas ayaanu ka wada bilawnay afraad, maantana wax yar bayay kaga noolyihiin afraad oo dhawr iyo toban ah, maanta waxaynu fulinaynaa fikradii iyo himiladii SNM, ujeedadu may ahayn in aynu abaal gud u helno qof, qof, ee waxaynu doonaynay in aynu ummadeena ka xorayno dulmiga, inaguna aynaan dulmi ku dhaqin ummadeena dhexdeeda ee aynu caddaalad iyo horumar u samayno, waxaynu u dagaalamaynay himilo ah in aynu dalkeena ka dhalino xorriyad taam ah, oo ay caruurteenu sidii ay shalay u nolayd si ka wanaagsan u noolaato, tii ayaynu wadadeedi haynaa, waxaynu u soo maraynay waxan, geedigii ayaynu wali wadnaa, geedigu maalin waa qori iyo nafta hur, maalina waa caqli, maalinna waa talo, maanta taladii ayaynu wadnaa aynu dadka wax ugu qaban lahayn.”

“Waxaan doonaya in talada dalka ay ka wada qayb qaataan inanka jooga Badhan, inanka jooga Saylac iyo inanka jooga Geed-ballaadh in ay ka wada qayb qaataan talada dalka oo ay ka wada qayb qaataan horumarka dalka, taas ayay himiladeenu ahayd, shirkii Boorame waxa laga heshiiyay haddaynu nahay Sool, Awdal iyo intii dhexe ee SNM, waxaynu ahayn dad walaalo ah oo dhaleeyo ah, waxaa isku keen dirtay oo ina fitmaysay dawladdii dambaabidhada kululayd ee Siyaad Barre, iyada ayaa fidmada inala kala dhex dhigtay ee inagu ismaynaan dilin, waxaynu ku guulaysanay lixdii bilood ee ugu horreeyay in aynu heshiino oo aynu dabkii damino oo aynu walaalowno, nabad ayaynu ka qaadanay, bari iyo galbeed ayaynu gacanta isu qabsanay,” Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka,Md. Muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS
Latest News